Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Xaalku Waa Maxay .. Deni Oo Xanaaq Cirka Is Geeyey .. Deni Waa Kaas Geed Ku Xirtay P/L Oo Raba Sidi Haruur Midxin La Mariyey Uu U Riqdo .. Waa Iska Oodaa Rogan Ee Itobiya Ma La Sin-dona Marsada Bosaso

Wednesday - April 3, 2024




Adis-Ababa- Sida la soo tabiyey Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya, Ambassador Mesganu Arga, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohammed Farah Mohammed.

Wadahadal-kooda, labada wafdi waxay u kuurgaleen fursadaha iskaashi ee Ganacsiga, Maalgashiga, iskaashiga Tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wada-jirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Puntland ayaa ku nuux-nuux-saday xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso in ay sii xoojiso xiriirka labada dal ee Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux-saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Danjire Mesganu ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Sidoo kale waxa uu fariin hambalyo ah u diray dowladda Puntland oo uu sheegay in ay si wanaagsan u qabsoontay doorashadii dhawaan dhacday.