Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Carabta Oo Dunida Ka Noqotay Kuwa Ugu Daran Cuntada israafka Bisha Ramadaan .. Dalalka Carabta Oo Ramadaanka Lagu ibtileeyey Cunta Daadiska

Thursday - April 4, 2024




Bisha Ramadan waa bisha soonka, cibaadada Alle u dhowaan-shaha inuu qofku iska daayo waxyaabo badan oo raaxo uu u arkayay iyo beekhaaminta cuntada .. Si kastaba dunida Carabta ayay ka noqotay bisha israafka cuntada.

Inkastoo diinta Islaamka ay ku boorrineyso Muslimiinta inaysanba israaf sameyn, gaar ahaanna bisha Ramadan, dhaqamo ka jira dalalka Carabta qaarkood ayaa ah kuwo caksi ku ah dhaqanka islaamka .. Kala duwanaan-shahan ayaa u muuqata inay daaran tahay dhanka cuntada faraha badan ee la daadiyo xilliga Ramadaanka.

Miiska cuntada lagu afurayo ee qoysas badan oo Carab ah ayaa waxaa ka buuxa cuntooyin kala duwan, balse marka ay dadka sooman dhammeystaan cunto cunidda, in badan oo cuntadaas ka mid ah ayaa lagu daadiyaa Qashinka.

Inkastoo xaaladda dhaqaale ay ka sii dareyso dalalka qaar ee Carabta, qaar badan ma aysan iska deyn caadadooda wax iibsashada Ramadaanka, taasoo keeneysa in cuntada la daadiyo.

Sida uu dhigayo sharciga iibka iyo dalabaadka, iibsashada xaddi badan oo cunto ah muddo gaaban gudaheed, waxay horseeddaa in la kordhiyo qiimaha, taaoso dadka saboolka ah u sababeysa inay iibsna waayaan .. Qoysas badan oo ladan kama faa’iidaan cuntada ay soo iibsadeen sababtoo ah ma dhammeyn-karaan, sidaas darteedna way daadinayaan.

Warbixinta FAO ayaa lagu sheegay in dalalka Carabto ay intooda badan soo dhoofsadaan cuntada sidaas oo ay tahayna ay daadiyaan cuntada.

Cuntooyinka hambada ah ee la iska daadiyo iyo Qashinka kale ayaa caqabad ku noqday Sacuudiga xilliga bisha Ramadaan xilli boqortooyada Sucuudiga ay bilowday olole lagu yareynayo Qashinkaas, waxaana sanadkii dalkan uga baxa wax ka qabashada Qashinka 40 bilyan oo lacagta Riyaalka ah.

Dalalka Carabta sida Imaaraatka iyo Tunisia waxay wadaan olole ay shacabka uga wacyi-gelinayaan ka hortagga Qashinka ka dhasha hambada iyo cuntada soo harta bisha Ramadaan af-furka iyo saxuurta kadib.