Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Dakharada Tuuganimada .. Inkasto Tuuganimo aad maalmo Si Quruxa Ugu Nolaato Haddana Waa Hubaal In Ay Leedahay Maalin Ay Kaa Soo Dhamaaneyso .. Qiso Odey Somali Ah Oo Ay La Dagaalameen Laba Walaalihi

Saturday - April 6, 2024





Nin lagu qiyaasay da'diisa 65 jir ayaa habeen dhaweyd waxaa u gacan qaaday Laba nin oo ay walaalo yihiin ..  Labadan nin, odayga waxa ay  walaallo ka yihiin xagga Aabo. Labada nin da' ahaan waa dhawr iyo Afartan jiro .. Labadi Nin Iyo Odeygi walaal-kood ahaa waa la kala qabtay

Ninki Odeyga ahaa ayaa laga wareystay sababta Labadaan wiil ay walaalaha yihin ula dagaalamayaan .. Ninkii Odayga ahaa ayaa waramay oo yiri: Labadaan Wiil walaalo ayaan ka nahay xaga Aabe oo waa tii Hargaysa laga qaxay 1988, aniga iyo Laba nin oo kale ayaa jiingado iyo dhar xadnay .. Qalabki aan xadnay Harta Sheekha ayaanu ka iibinay oo lacag fiican ayaanu ka helnay.

 Aniga lacagtaydii in ka mid ah, Aabahay ayaan gabar ugu dhisay .. Aabahay waxa ay gabadhii u dhashay Labadan wiil ee ila dagaalamaya, ka dibna Aabahay wuu dhintay. Labadan wiil mar kasta oo ay indhaha iga qaadaan gacanta ayey iila tagaan. Lacagtii xaaraanta ahayd ee aan Aabahay siiyey waa taasi dagaalka igu haysa .. Subxaanalaah