Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhamaadki Bisha Ramadan Waa Soo Gabagabowday .. Ciid Mubaarak Ciidul Fidri Oo Aan Damaashaad Ku Ciidne .. Ciida Daraaded Ku Caawiya Maatada Cidlada Tuban Bal Waxay Ku Ciidaan Iyo Wax Caloosha Galiyan

Tuesday - April 9, 2024




Dhamaadkii bisha Ramadaan ayaa ina soo gabagaboowday, waxaanan ku sagootinnay bishan barakeysan iyadoo dareeno kala duwani dunida islaamka ka jiraan .. Waa Bishi no balan-qaaday abaalmarinta Ruuxiga ah ee baaxada leh iyo sido kale fursada ay u bixisay kafaaragudka nafteena

Hadaba Anagoo soo gabagebeynayna Munaasabadaha Bishaan oo aan isu diyaarinay inaan u dabaal degno maalmaha Ciidul Fidriga, waxaan u mahad-celineynaa Allah si aan u helno Nolol, iimaan, iyo Caafimaad si aan u kasbano tiro badan xasanaadka in aan inteena badan aan si xamaasad leh ugu shaqayn lahayn wakhtiyada kale ee sanadka .. waxaanu rajaynaynaa oo aanu ka baryaynaa in dedaalka aanu bishan ku jirno uu inoo horseedo in miisaankii aynu u leexino Xasanat aakhiro janatul firdowsa ku galno.

Midkeenna ma dafiri karo in bishan ay sidoo kale kobcisay fir-fircooni xiiso leh oo nagu kalliftay inaan si adag oo macne leh ugu xirnaano qoysas-keena oo aan si qoto dheer oo togan ula socono hawlaha Muslim bulshooyinka guud ahaan. Taasi runtii waa wax ay tahay in aan ku hayno xitaa Ramadaan ka dib.

Xusuusnow, dhammaan tacabkii aanu Ramadaanka ku jirnay waxay ahayd inaan kasbanno raalli- ahaanshihiisa iyo inaan samayno wax kasta oo khasaara oo la mid ah inaan tuurno dhammaan tacabkaas.

Ciida Daraadeed Maatada Cidlada Tuban, Cidlada Daadsan Oo Calaa-Calaya, Bal Ku Caawiya Waxay Ku Ciidaan Ama Calal U Heli-kara Ay Ku Asturaan Cawradooda .. Cayn-kasto Gargaara Waa Waajib .. Caawiya Dadkiina Ciidan Daraadeed .. Ciid Mubaarak oo aad u faraxsan adiga iyo qoys-kaaga.