Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Bulshada Somali Waxaa Maanta Quluubtooda Gil-gilay War Joogto Naxdin Leh Ee Akhristow Badalkeeda Kororso Aqoonta Guud .. Maxay Tahay Farqiga U Dhaxeya Raha Iyo Toad-ka

Friday - April 12, 2024




Dad badan ayaa isku khalda labadan xayawaan balse waxaa jira kala duwanaansho u dhaxeeya, kaas oo aynu u baahanahay in aynu ogaano .. Labadan xayawaan waxay kawada tirsan yihiin qoyska ballaaran ee Berri-biyoodka, dhanka kale iyagoo ka mid ah noolayaasha aan dibka lahayn (Anura) sida ay cilmi baaris ku ogaatay jaamacada Penn State University ee dalka mareekanka. Sidoo kale waxaa warbixintaas lagu xusay dhamaan Rahu waxa uu qayb ahaan hoos-tagaan marka qaybinta noolayaasha Berri-biyoodka ah Toads-ka, halka noolaha kale isagu aanu hoostagin Raha. 

Kala duwananashaha muuqaalka sare waxa weyn Toad-ka, iyadoo maqaarka Rahuna uu yahay mid isku siman oo aan lahayn buurbuur iyo finan, tani waxay xiriir la leedahay Rahu waxa uu Qoyaanka Biyaha ku nuuga Maqaarkiisa sare balse Toads-ku sida maaha badanaa Biyaha way ka fogadaan iyagoo u jirsan kara masaafo aad u fog.

Qaabka jirka Raha waxa uu u weyn-yahay Lugah danbe ee uu ku boodo, halka uu Toad-ku u weyn-yahay Lugaha horre .. Xilliyada socodka way ku kla duwan yihiin Raha waa uu booda halka uu Toad-ku aanu xoog u badin xilliyadda qaarna uu gurguurto. Qaabka sandkoodu waa uu kala gedisan yahay Rahu waxa uu leeyahay San aanu yar halka uu Toad-ku leeyahay mid ballaaran. 

Deegaan ahaan Rahu waxaa uu aad ugu nool yahay Biyaha isagoo ku qaata wakhtigiisa inta ugu badan balse Toad-ku waa ka duwan yahay waxaana uu ku nool yahay Berriga .. Sunta Labada xayawaan marka la Eego dhammaan Raha oo dhan ma-aha Sun balse Toad-ku isagu waxa uu leeyahay Sun halis ah ama noocyadiisa kala duwani. Ugu danbayntii Labadan xayawaan dhammaan waxa laga helaa qaaradaha kala duwan ee dunida marka laga reebo dhul-weynaha barafka ee Atlaantiga.