Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Tartan Orod Oo Aan Lahayen Nidaamki Tartanka .. Goobti Lagu Tartamaayey Qiyaas Ma Laha .. Calaamado Ma Laha ..Bilow Iyo Dhamaad Ma Laha ..Jidka Lagu Tartamaayo Sidu U Socdo Ayuu Sadex Jid U Kala Baxay

Saturday - April 13, 2024



Maamulka Xafiis ciyaaraha Degmada Galdogob ayaa hadda ka hor Sanooyin laga joogo tartan orod ah abaabulay. Tartamayaashii ka qayb-gelayay tartanka ayaa goobtii yimi. Ka dib markii ay is diiwaangeliyeen, ayay isu diyaariyeen bilowgii tartanka. 

Waxay goobtii tartanka ka waayeen nidaamkii loo geli jiray tartanka ..  Goobti lagu tartamayay qiyaas ma laha, claamado ma laha, bilow ma laha, dhamaad ma laha. Qaar ka mida tartmayaashii oo yaaban ayaa la xiriiray madaxii maamulka tartamayaasha. 

Tartamayaashi Waxay weydiyeen "Sidee ay tartanka u geliyaan tartamayaashu loona kala saarayo ciddii gulaysatay iyo cidda aan gulaysan haddii nidaamkii tartanka meesha ka maqan yahay" Waxay raaciyeen, "Ta kale, jidka lagu tartamayaa sida u socodo ayuu Saddex jid u kala baxayaa .. hadana Lix jid u kala baxayaa ..  hadana Sagaal jid noqonayaa .. hadana Saddex jid noqonyaa ..  hadana Laba jid noqonayaa .. hadana jid Qura noqonayaa iyada oo aan tartankii nidaami lahayn!! 

Madaxii maamulka tartanka Reer Galdogob wuxu ku jawaabay "Idinku safkan gala oo Diilintaa aan xariiqay istaaga. Tartanka aan ka ahay Firimbi-wale , markaan firimbiga ku dhufto, Big ka siiya! Waa dhuguc iyo Dhagac iyo laysuma joogaane! 

Tartamayaashi ayaa yiri: Oo waxan oo jidida aha ayaa jira, calaamadona ma laha, wana isku hor iyo dabo noqonayaan ee sidaanu ku garanaynaa jidka aan ordayno iyo halka uu ku dhamaanayo. 

Maamulihi Tartana oo is xarifinaaya ayaa yiri "Waar waa hadal badan tihiine safka gala! Kuwiinaa hadda yimina ka baxa safka idinku tartanka gelimaysaane! Anaa idiin sheegaya xariiqda uu tartanku ku dhamaanayo! Diyaar, wey-dinkaa! Waa Duguc iyo Dhagac iyo laysuma joogaane, ka Bul dheha!!! Ayuu ku jawaabay maamulihii tartanka .. Talaw, maxaa ka soo baxay Tartankaas!!