Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Hanti Ay Somali Lahayd Oo Khasaare Xoogan Ka Soo Gaaray Dab Ka Kacay Gobolka Alberta Dalka Canada

Friday - May 6, 2016



Fort Macmurry-Dab ka kacay Canada gaar ahaan gobolka Alberta ayaa waxaa ku burburtay hanti aan ilaa iyo hada inta ay ku kaceyso la ogeyn.

Dabkaas ayaa waxaa uu ka kacay Alberta gaar ahaan degaanka laga qodo shidaalka ee la yiraahdo fort macmurry, wuxuuna ku faafay ilaa 850 km oo isku wareeg ah. Soomaali badan ayaan hanti uga khasaartay halkaa gaar ahaan dukaamo, makhaayado iyo xawaalado ayadoo shaqaalaha gurmadku ay bilaabeen in ay gobolkaa wixii dabka u dhow oo dad ah ay daad gureeyaan.

Muddo dhowr maalmood ah ayuu dabkaasi holcayaa ayadoo ololku shan jibbaar uu kordhay taasoo keentay in dad gaaraya 88, 000 oo qof guryahoodii laga daad gureeyo oo ay haatan barakacsan yihiin.

Dabka ayaa sii ololaya maadaama ay dhacayaan dabeylo xooggan. Dabkaan ayaa bilowday Axadii la soo dhaafay ilaa iyo hadana waxaa dadka dababka damiya ay isku dayayaan inay baqtiiyaan.