Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Madaxweyne Cabdi-Weli Iyo Wixii Sami-qaybsi U Beryahaan La Afuufna Oo U Soo Bandhigay Beesha Tanade

Wednesday - October 5, 2016



Garoowe- Waxaa shabakadaan Galdogob Times soo gaartay in Salaadiinti boqorada beesha Tanade iyo Madaxweyne Gaas ay maanta markale wada kulmeen, kulan-kaaso la sheegay in madaxweyne Gaas wixii u maal-mahaan la afuufnaa u salaadinta ugu bandhigay inusan beesha Hal kursi wax ka badan u haynin oo saas ay raali ku noqdaan, waxaana la sheegay inu wax badan iyo si catow ah ku afeeftay culeys badan inu ka haysto qabaaiilka puntland oo ku wada waashay sad bursi, oo midba leeyahay cad fiican ha nala siiyo.

Odayaasha ayaa markey arkeen waxa aan la garaneyn u ka sharqamiyey iyo khamaarka u ciyaaray iyo sidu turubka u shaandheeyey ee u kaarka ugu rogay ballanti ahayd inu siiyo laba xubnood u horay kula galay odayaasha iyo hadda go'aan kama dambeysta u ku gaaray in hal xubin beesha la siiyo, waxay is tuseen talana ku gaareen ma daama sida muuqata Cabdi-weli wax rajo ka soo socon, oo kolba sida jir-jiroolaha kolba dhinac soo dhiganaaya. bal iney iska ilaaliyaan hadalo qiima dhaca iyo in xabadaha rasaasta aysan meel cidla ah uga dhamaan, waxayna ku sababeyeen ineysan harin hadal la is yiraahdo, iyagoo intaa raacshay in ay isa soo gabtay beenti cabdi-weli qurxinaayey iyo madadaaladi waqtiga looga lumiyey odayaasha, sidaa daraadeed ayey yiraahdeen arintaas jawaab-celinteeda iyo tashigeeda waxaan u celineynaa guurtida iyo guud ahaan waxgaradka beesha.

Cala ay xaal waxa cad in odaayaasha iyo Ugaas-kooda hor kacayey ku xabeebsadeen halgankoodi xiix ku oran oo cidiyaha ayey ku dagaalameen, iyagoo si hagar la'aan ah isugu xuurteeyeen waajibkii iyo dawgi ku haboona, oo koleyba lama oran-doono waxbaa la hagraday iyo waa la gaabiyeey iyo arinta waa laga seexday .. dhamaan asxaabta bulshada iyagoo qiiraya taariikhda gu'weyn ay dhigeen, waxay hambalyo iyo bogaadin iyo ducooyin aan la soo koobi-karin u dirayaan odayaashaas halganka dheer muujiyey .. maa shaa allah wey dadaaleen, wax soo qaadkana Allaa leh, oo wiilkaaga wax kuma siin-karo haddaan Alle kaga soo qaadin.  

Dhinaca kale waxaa soo hadal qaad mudan in Reerka aysan wax u kala qarsooneyn, oo maalmahaan waxaa la sheegayey in Rag dhubuq- dhubuq-leynaya, canka laalaadinaya sida cawsha. xin iyo xaasad galay beesha ka mida oo sida la carbaabay loo soo dhiibay midi loogu tala galay ka been sheegida xaalada iyo dareenka bulshada Tanade siiba in la ciideeyo ajeendada odayaashu wataan, ayaa la xusaya in Ragaas oo sirtoodi baxday ay beryahaan sun karkarinayeen, hogag iyo hobaaqo qarsoon lugta ku walaaqayeen iyagoo ujeedadoodu ahayd in ay si dusma ah ugu guureyaan Cabdi-weli si xun wax ugu sheegaan, oo ku yiraahdeen odayaashan ma matali-karaan beesha ee qorshaha ay wataan ha aqbalin, taaso rajadoodu ahayd amase ku haminaayey in beesha aan la siin haba yaraate wax kursi ah. si guusha aysan u raacin salaadiinta beesha u boqran, waxayse Ragaas ilaween malaga Mawtka albaabka u taagan, waxay ilaawen qabrigii iyo dhimashada, waxay hilmaameen in ay iyagu yihiin Ragi u horeynaayey ee dhadhamin-laahaa sunta ay walaaqayaan.
Waxay kalo ilaaween in Salaadiintaan ay baalka taariikhda galeen oo ay xustay iyo guusha mar hore xag alle ka raacday, isla markaana bulshada Tanade gacal iyo sokeyba meel-kasta ay joogaanba wey ogaatay Ragaa odayaasha lagu soo falay ee Uurka ka buka kuna fakaraya wax aan bulshada u dan ahayn iyo waxa ay halkaas Garoowe ka sameynayaan, kuwaaso aan lagu qaras-bixinkarin dawo iyo dabiib toona.