Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Is Afgaradkii Wax Qaybsiga Reer Muumin Aadan Oo Gir-Gire Kulul Saaran

Friday - November 4, 2016



Waxaa nala ku wargaliyey in beeshi Tanade oo beryahaan-ba habeyn kasta qol ku shireysay waaga ugu beryey-jiray shir wada tashi ah lagana wada hadlaayey xulashada saamiga kuraasta xubnaha baarlamaanka hoose ay ugu dambeysti ku idlaatay in dabeylihi ay gogoshi duudubtay, ku dhamaatay hadal ciyaal iyo hadal u eg sumadi ibliska iyo dhafoor taabasho, sida wax loo sheegayna ma aha wax fiican oo ibleyskii ayaa albaabka loo furay markaasu quluubti degay, markaasa waxaa tagtay raxmadi caqligina dhintay oo haddana xikmadi la waayey.

Raad-raac aan sameeyey, waxaa laygu yiri meesha iyo gogosha waxaa horboodaaya rag sida cinjirka iskala jid-jiidaaya oo dalqada indhaha ku leh .. mawqif iyo aragti aan ku socon aan ka ahayn kan maabka u soo dhiibay, ee waqti aan fogeyn laga yaabo iney qab-qabsadaan harkooda, kuwaaso ay dhabarka ka riixayaan laacibiin doonaaya in lacgtooda u foodo oo maaliyad dul-dhigay rag ay iyagu maabka u jeexeen sidu xubin ugu soo dhiciyo, taaso keentay in ragi matalaayey jufooyinkii u mid kasta inta go' shaal ah garbaha soo saartay dhagaha soo cufeysto ayuu ku dhaganaado ballanti u lacgta ku soo qaatay, oo ah muran aan rajo lahayn iyo yooyotan iyo sey noqotaba la jiifiyaana banaan la xoojiyaana banaan hadaan reerkayaga reer baal-shinbiro xubinta la siin Gaw ma leh .. waana waxa keenay in reerka arintu ku cuslaato oo afartii taayirba ka banjaraan bar u bixi la'yihiin, illa la garan-waayo afarta gar-jiho xagee geela irmaan loo arooriyo, micnaha qaybsigi kuraasta gudoonkoodi loo caalwaayey oo hadba Nef Neef ku xiran iyo calool hadleysa baruur quruntay loo soo dhiibay ayaa gogoshi shirkii qurminaaya.

Reerka Muumin Aadan oo iyagu taariikh ahaan isku tirinaayey in maalintey il xuntahay iney ku jiraan rag nool oo hiiliya oo caqli iyo garaad ay wax ku hogaamiyaan alle ugu deeqay, ayaa hadda saasaanta u muuqaneysa iney yihiin inta qotomisa ee qalqaalisa Reereysiga caadifiga ku qotonta. taasna ma aha mid cuntameysa

Run ahaanti sida aan la socono 5-ta xubnood ee beesha la siiyey ma deeqdo jufo ka mida Reer muumin Aadan, sidaa darteed khasab ma ahaa in jufooyinka wax wada helaan ee arintu waa sidee wax loo maareeya, balse maha sidee reerka ku kala caroodaa.
Cala ay xaal Reer Muumin Aadan, wixii loo gartay oo dantu keentay waa ineysan ka anfariirin, balse qaab-kasta oo suragal ah ku qaybsadaan. waxaa wax lagu qaybsan-kara is tixgalin, waxaa wax lagu kala heli-kara baqtiyaa Nasiib, waxaa wax la isku siin-kara Tanasul, waxaa wax lagu kala saari-kara aqoonta ilaahiyada, ee xal ma aha in lala soo taagnaado anagu xubintayada waa banaanka iyo gorgortan ma galo iyo kuwa kale oo ay iyaguna ka soo yeerto mar baan Rag u ilduufnay ee mar labaad il duufimaayo .. sheekadu yeysan noqon. meesha waa wado ulo miiran, ul la qaato lahayn, meesha yeysan imaanin Reerku talo xumo badanaa iyo ha loo taliyo.

Yaaba Waa Yaabe, oo xaaladu haddey sidaa ku si socoto mar baa yaabka laftiisa la weyndoona. waxaa aad looga xunyahay raxanta Nigarada jaaha-warersan ee malabsiga bartay isku dhex mar-maroojinaaya galdogob sidi wax dawarsanaaya ee u soo shaqo tagay halkaas sidey xubin baarlamaan gooska u mariyaan, oo iyagu waxaa ku cadaatay iney yihiin sababta ugu weyn ee dhiirin-galiya is daba marka iyo muranka qabyaalada taagan, mana ahaa day-daydaas soo dheelmatay kuwa mudan in iyaga dartood reerka ku kala fogaadaan.

Ugu dambeys, Somaaliddu waxay isku habaarta: Qayrkaa ilaahay kaa reeb, waxay taladu ku soo aruureysa yaan sanka la idin ka qabsan oo adinkoo malab nuugi-kara,waabaayo naf ha bidina oo xididada ha isu saarina, oo iyadoo cid kale wax idin geysan xabaasha ha isu qodina .. magaca reerka ha masaxina oo qayrkiin ha ka harina oo arintiina ka daaya kuwa qawlalaha ka xumbeynaya ee bugta cumaamadaha madaxa looga soo duubay, balse sidu dhaqanka ahaa talada u dhiibta farsama-yaqaanadi talo iyo tawfiiqda ee ay isku wada raacsan-yihiin shiikh iyo shariifba, gaar ahaan kuwi Reerka Wax u xiri jiray, Waxna u Gunti jiray (Ahlu Xali Wal Caqdi) oo yaan xubnaha meelo kale la idin ku qaybin .. Eebow islaanimada nagu xoogee, ifkana nagu xanaane, oo Rabiyow il dabeecado naxariis lah nagu eeg .. Allahayow badbaadadaada ha ku xirin nin beer adag iyo bahalo aan nixin. aamin Aamiin