Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Farqiga U Dhaxeya Maskaxda Ragga Iyo Haweenka Oo Keeba Maskax Badan?

Friday - December 16, 2016


Ma aha wax qarsoon in qaab dhismeedka, korriimada iyo shaqada qeybaha kala duwan ee jirku ay ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhaha.
Tusaale ahaan maskaxdu waa meelaha ay ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhuhu marka dhinac walba laga fiiriyo waxaanan halkaan ku xusi-doonaa dhowr farqi ama kala duwanaansho oo u dhaxeeya maskaxda wiilasha iyo gabdhaha oo tusaalooyinkooda wata:

Qaab Adeegsiga Maskaxda:
Nudaha maskaxda bini’aadanku waxay ka samaysan yihiin laba midab oo kala duwan, waxaana loo kala yaqaanaa "White matter" iyo "Grey Matter", waxaa la arkay in maskaxda gabdhuhu ay badanaa qaybta Cad adeegsadaan markay hawl hayaan, meesha wiilashu ay u badan yihiin qaybta midabka Cirro xigeenka ah ee loo yaqaano "grey matter". Xarumaha hawl-galiya maskaxda ee ku yaalla labadaas qeybood ee maskaxda ahi waxay ku kala duwan yihiin qaabka ay u shaqeeyaan tusaale ahaan gabdhuhu markay howl hayaan way u sahlan tahay inay howl kale la qabtaan ama isku dhinac wadaan ama si sahlan looga mashquulin karo, laakiin wiilasha markay howl hayaan way ku talax tagaan oo si sahlan loogama mashquulin karo, waana wax jira in haweenku ay ragga kaga fiican yihiin dhinaca howl isla qabashada "Multi-tasking" iyagoo si fudud dhowr howlood ku wada dhamayn kara ama ku wada qaban kara, meesha raggu ay ku fiican yihiin ka salgaarista howsha ay hayaan iyo xaqiijinta go’aamada laga rabo "Task-focusing", tani waa mid ka mid ah waxyaabaha la ogaaday inay ku kala duwan yihiin qaabka maskaxda wiilasha iyo gabdhuhu u shaqeeyaan.

Qaabka Howl-galka Maskaxda:
Dheecaannada iyo dhambaallada ka kala goosho xarumaha kala duwan ee maskaxda ku jira way ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarka, waana wax alle ugu talagalay waana sababta fakarka, falanqaynta, sabab u yeelidda iyo howlo badan oo maskaxdu qabato ay ugu kala duwan yihiin. tusaale ahaan hormoonka testosterone oo ragga u gaar ah, hormoonka estrogen iyo oxytocin oo haweenka u gaar ah waxay ku tusaysaa in howlaha ay qabtaan hormoonadaas in ay qaabeeyaan qaabkii Alle SWT ugu tala galay bini’aadanka, tusaale; hormoonka "oxytocin" wuxuu alle ku abuuray haweenka, waxaana loo yaqaanaa hormoonka soo jiidashada iyo xiriir samaynta, in hooyadu ay ilmaheeda jeclaato oo dhib walba ugu sabarto oo hadana iyadoo fooshii ku dhibaatootay, u xiisayso inay ilmo kale dhasho, in si sahlan haweenka jacayl loogu abuuri karo waxaas iyo wax ka badanba waa howsha hormoonkan oo maskaxda laga soo daayo.

Qaab Dhismeedka Maskaxda:
Cabbirka iyo muuqaalka qaybaha kala duwan ee maskaxda wiilasha iyo gabdhaha way ku kala duwan yihiin, tusaale ahaan xarunta maskaxda u qaabilsan xasuusta ee loo yaqaano "Hippocampus" midda gabdhaha ayaa badanaa ka wayn midda wiilasha, neerfayaasha soo gala xaruntaas ee dhambaallada u keenaa way ka badan yihiin tan wiilasha sidaas darteed haweenka iyo raggu way ku kala duwan yihiin dhinaca xasuusta iyo ururinta dhacdooyinka iyo isla-adeegsiga dareemayaasha kala duwan, waxaa laga yaabaa haweenayda iyadoo sheekeynaysa in wixii ay aragto iyo wixii ay maqasho inay xasuusan karto haddii hadhow la waydiiyo, laakiin raggu sidaas ma aha oo iyaguna waxay ku roon yihiin dib u xasuusashada dhacdooyinka ama waxa loo yaqaano "Memory Recall". haddii si kale wax loo dhigo, meelo badan oo raggu aanay wax ka arkin ayay haweenku wax ka arkaan.
Sidoo kale xarunta hadalka u qaabilsan maskaxda, gabdhaha wuxuu Alle SWT ugu abuuray labada dhinac ee maskaxda, meesha wiilashu ay ku leeyihiin dhinaca bidix kaliya, sidaas darteed haweenka markay hadlayaan way ka erayo adeegsi badan yihiin ragga, oo waxay ku fiican yihiin wax sifaynta iyo tusaalaynta khaasatan dareenkooda. waa laba tusaalo ee ku tusin kara faqiga u dhaxeeya qaab dhismeedka maskaxda wiilasha iyo gabdhaha.

Qaabka Nafaqeynta Maskaxda:
Qulqulka dhiigga ee soo gala maskaxda way ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhuhu, xarunta maskaxda u qaabilsan caadifadda iyo qiirada way ka dhiig qulqul badan tahay xarunta wiilasha sidaa darteed waxay cilmibaarayaashu sheegeen in sababta haweenku ay go’aamadooda iyo hadalladooda ugu dhisaan caadifadda iyo sida ay dareemayaan inay tan sabab u noqon karto farqigan!
Taasi waa sharraxaad kooban oo na dareensiinaysa farqiga u dhaxeeya maskaxda wiilasha iyo gabdhaha, sababtoo ah mawduucani waa mid aad u ballaaran, illaa iyo hadda waxaa la ogyahay in ka badan 100 farqi oo u dhaxeeya maskaxda wiilasha iyo gabdhaha taasoo badanaa ka tarjumaysa kala duwanaanshaha wiilasha iyo gabdhaha dhinac walba sidaasi oo ay tahayna waa cilmi aan fari ka qodnayn oo mar walba qaybo badan oo cusub laga sii ogaanayo.
Haddana dadka aaminsan in haweenku ay wax ma garato yihiin ama ay ka maskax yar yihiin ragga taasi sax ma aha sababtoo ah haween badan ayaa rag badan ka caqli badan kana diin fiican, laakiin siduu rasuulkeena suuban noo sheegay haweenayda iyo ragga isku marqaati furis ma aha waana macnaha xadiithka rasuulka. Alle qofba qaab ayuu u abuuray mana la is barbar dhigi karo.
Waa mawduuc aad u xiiso badan oo aad ka baranaysid awoodda alle iyo sida uu u kala badalay abuurista ragga iyo dumarka taasoo mid walba siinayso awood u gaar ah oo uu kaga fiican yahay kan kale ama kaga habboon yahay meelaha qaar, waxaad kaloo ka baranaysaa qaabka aad caruurtaada ula dhaqmi kartid, qaabka aad wax u bari kartid, una kobcin kartid maskaxdooda.