Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Warar Qubana Ah Oo Koo-Kooban

Friday - September 12, 2008

Gaalkacyo: Dadweynaha Magaaladda Gaalkacyo ayaa baryahaan dambe caado ka dhigtay in ay guryahooda ku xeroodaan wixi loo gaaro shanta galabnimo, oo dhamaan halkaas ganacsigi ka jiray albaabada loo laabo, iyadoo dariiqyadana ay haawanayaan sidii meel duufaani ka dhaceyso oo kale, waxaana arimahaas loo sababeynaya falalka dilka oo ku so batay magaladaas qaalibna dhaca waqtiyada fiidkii, waxaase cabsi laga sii qabaa in is-xareynta ay dhacdo harka cad haddi aan la helin xal lagu meel mariyo nabadgalyada magaalada.

                                         +++++++++++++++++++

Serbiya: Dawladda Serbiya ayaa dhawaan Go'aan ku gaartay in ay dibada ka keensato boqol kun oo Dumar ah una dhashay dalalka hindiya,flipin iyo tailand, si ay ugu guuriso nimanka doobyaasha ah ee badanaa ku nool meelaha miyiga iyo tuulooyinka, waxaana dawladda go'aamadaas ay qaadatay ku sababeysey iyado baaris ku ogaatay in tirada dadka reer Serbiya ay sanadkiiba hoos uga dhacdo illa 13kun oo qof, waxaa kalo loo Aaneynaya talabaadaas dawladu qaaday mid la xariirta Dumarka dalkaas oo gabi-ahaanba joojoyey dhalmadi caruurta, sido kalana raga badankiis iyagana ay dibada u wada doofeen kuna millmeen dhulalka reer galbeedka.

                                    +++++++++++++++++++++

 

England : Qoys reer ingiriis ah ayaa gurigi ay lahaayn iska iibiyey, kadib markii wiil ay dhaleen oo 11 sano jira u galay dugsi laga barto niikada iyo daansiga, Dugsigaas oo waxbarshada niikada ay ugu kaceyso wiilkaas lacag dhan 40.000 $ sanadkii, ayaa keentay in labadi waalid ee wiilka dhalay ay kharajkaas iibka guriga ku daboolaan iskuulkaas daansiga ee wiilkooda caashaqay.

                                ++++++++++++++++++++++++