Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Dawladihii Loo Xilsaaray Mushkiladaha Soomaaliya Oo Ku Shiray Jabuuti

Wednesday - September 17, 2008

Jabuuti: Kooxda loo yaqaano "Contact Groub" oo ka kooban dalal isu tagay oo loo xil saaray arrimaha iyo xalinta mushkilada Somaliya ayaa maanta magaalada Jabuuti shir ku yeeshay, shirkaas oo uu hogaaminayo Ergayga QM u fadhiya Somaliya ee Ahmed Wallad-Abdala, iyadoo lagu tilmaamay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu Ergaygu kooxdan hogaamiye u noqdo.

Shirkan ayaa wuxuu ku saabsanaan doona qaabka loo hir galin karo heshiiskii Jabuuti ku dhex maray Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya iyo Dawlada Federalka Somaliya 15-Augost-2008.

Sidoo kale intii uu soconayay shirka ayaa waxaa meesha fadhiyay oo laga soo qayb galiyay koox wafdi ah ka socotay Isbahaysiga oo uu hogaaminayay Sheekh shariif Sh. Axmed, iyo wafdi ka socday Dawlada Federalka oo uu hogaaminayay Nuur Cadde, balse markii uu shirku inyar socday dabada looga soo saaray qolada Dawlada matalaysa iyo qolada Mucaaradka matalaysaba iyadoo albaabada ay isu xidheen kooxda danaysa arrimaha Somaliya ama xubnihii shirku u socday ee Contac Groub.