Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Mr.Butin Oo Godintiisi Soofeystay Waxuu Maraakibtiisi Dagaalka Dhoolatus Ugu Diray Dalka Venezwela

Monday - September 22, 2008

Moskow: Mr Butiin oo ah wiil talaabada xarago la tictiicaya, oo waayahaan dambe aad moodo talaabadu qaadaba tiro macaashaya, una muuqda Aar soo dib-jiray oo aan caano u kaban inu maanta cagta- cagta u saaro taw-tawlayaasha Mareykanka iyo Reer Yurub ee ku Edabdaroonaya, waxuu bilaabay inu dunida dhiniciisa xariga ka jiito, isagoo isticmaalaya argtida ah budee inta birtu kulushahay "strike while the iron is hot"

Maraakiibta dagaalka Ruushka ayaa amar lagu siiyey iney u jeeheystaan xagaa iyo badaha Ameerika gaar ahaan bada kaaribiga ee dalka Venezuella oo halkaas ay kaga qayb gali-doonaan bisha Novembar Dhoolatuus ay wada sameyn-doonaan ciidamada Ruushka iyo kuwa Venezwella.