Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Faafaahin Ku Saabsan Qoyskii Lagu Gawracay Koonfurta Afrika

Monday - October 6, 2008

Koonfur Afrika : Hooyo Soomaaliyeed iyo 3 da caruura ah oo ay dhashey lagu gowracay Koonfur Afrika,waa dhacdo naxdin leh oo ay qabsatay qoys dhan oo Soomaaliyeed, hooyo iyo caruurteeda, oo ka kooban labbo wiil iyo gabar 12 jir ah ayaa dhegta dhiiga loo daray oo lagu gowracay magaalo ku taala koonfur Afrika xilli dilalka caadiga ay sii kordhayaan.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Qoys Soomaaliyeed oo la jarjaray ayaa soo baxaysa, magacyada caruurta la gowracay iyo hooyadood, meesha ay ku sugnayeen, goorta iyo waxa loo isticmaalay dilkooda. ayaa waxaan ka wareysanay goobjoogayaal xog-ogaal u ah.

habaynimo xilli aan la ogeyn goorta ay ahayd ayaa rag ku hubeysan Baangado, Tooreeyo iyo Biro kale waxa ay u dhaceen dukaan ku yaala tuulada Queens Town ee wadankan Kuunfur Afrika, dukaanka waxaa lahaa Qoys Soomaali ah oo ka kooban hooyo iyo 3 caruur ah oo ay dhashay, labbo waa wiilal, midna waa gabar, rag aad u hubeysan ayaa cad cad u jaray hilbaha qoyska, dadkii saakay tagay goobta oo uu ka mid yahay Ismaaciil Cabdi Maxamuud iyo dadkii dariska ahaa ayaa ka argagaxay waxa ay indhahooda saareen.

Sida uu sheegey in reerka daris la ahaa, waxaa hooyada magaceeda lagu sheegey Saciido Aadan Maxamad, caruurta waxaa la kala yiraahdaa Maxamed oo 19 jir ahaa, Ibaraahim oo 15 jir ahaa iyo Caasho oo 12 jir ahayd. Ismaaciil oo ka mid ahaa dadkii goobta gaaray ayaa sheegey in waxa indhihiisa uu ku arkay ay ahaayeen wixii ugu argagaxa badnaa ee uu waligiis indhihiisa saaro, wuxuu ka waramay hilbo dad oo jarjaran, jirka dadka oo lagu shafay seefo iyo tooriyo , dhiig sidii daadkii oo kale u daadsan dukaanka dhexdiisa.