Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Dawladda Ingiriiska Oo Soo Saartay Qorshe Ay Ku Dabagaleyso Taleefoonada Iyo E-Mailada Wadankeeda

Thursday - October 16, 2008

London: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wadanka Britian ayaa soo saartay isku day qorshe ay sheegeen inay ku ururinayaan xogta war-isgaadhsiineed ee Telefoonada iyo Emailada oo ay ku jiraan Website-yadu.

Qorshahan oo Dawlada Ingiriisku ugu yeertay: “La Dagalaanka Dembiyada.” Ayaa waxay sheegeen in aanay isku dayayn inay helaan xog-ururin aad u wayn marka la eego habka DNA-ga ay ee hadda dambi-baadhista ugu isticmaasho dawlada Ingiriisku.

Hadaba, qaabka xog-ururinta Telefoonada iyo Emailada waxa keliya oo isticmaala shirkadaha ka hawl-gala wadankaas ee ay ka mid yihiin Xawaaladaha iyo Isgaadhsiinta si ay xog-dhab ah ugu gudbiyaan dadyawga iyagu ku kala nool qaarada iyo dacalada kala fog ee dunida.