Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ismaqal La'aanta Siyaasadeed Ee Somaaliya

Monday - October 20, 2008

Dadka Soomaaliyeed wuxuu Ilaahey ku galladeystay nicmooyin fara badan,Waxaan nahay ummad wada degta hal deegaan oo isku diin, isku af iyo isku dhaqan wada ah.

Waxaan nahay hal qabiil oo la yiraahdo Soomaali sababtoo ah qeexitaanka erayga qabiil waa dad isku meel wada dega oo wadaaga dan isku mid ah.

Ummadda noocaas oo kale ah waxaa laga doonayaa in ay lahaato ismaqal iyo isfahan wanaagsan oo dhexdooda ah si ay u gaarto horumar iyo barwaaqo.

Haddaba, su’aashu waxay tahay Soomaalidu ma ka run sheegtay riyadeedii aheyd waxaan nahay hal qoys? Haddii jawaabtu tahay “Maya” maxaa sababay taas?

Mid ka mid ah waxyaabaha sababay arrintaas ayaa ah "ismaqal la’aan" baahsan ee ka dhex jirta siyaasadda Soomaalida gaar ahaan waxaan jeclahay in aan wax ka soo qaato wixii ka danbeeyay 1990kii.

Ra’isul Wasaare Cumar Carte Qaalib:

Xasuuso Janaayo 1991kii markii Maxamed Siyaad Barre uu Ra’isul Wasaare u magacaabay Cumar Carte Qaalib si ay xabbadda u joogsato. Cumar Carte iyo madaxweynaha oo shir labo maalin socday ka dib shir jaraa’id qabtay ayaa hadalladiisii waxaa ka mid ahaa “Walaalayaal, waxaan la kulmay madaxweynaha, wuxuu iga aqbalay wixii aan soo gudbiyay oo dhan. Fadlan, aan u duceyno madaxweynaha, Waxaana codsanayaa in xabadda la joojiyo, si aan u sagootinno Madaxweynaha.!”

ILo Xasaasi ah ee waagaa jiray ayaa waxay soo tabiyeen in madaxweynuhu ka aqbalay kooxdii Maanafesto in dalka la badbaadiyo.

Waxaa laga yaabaa in ujeedada Cumar Carte aheyd in Siyaad Barre lala galo heshiis awood-qeybsi ku saleysan (power-sharing agreement).

Soomaali badan wey ku qosleen Cumar Carte. Waxaana durbadiiba isbedellay jeceylkii loo qabay. Waxaana loo arkayey siyaasi rug-caddaa ah oo ay maradii ka dhacday, sumcaddii uu ummadda ku lahaana uu dhulka ku jiiday. Su’aasha waxay tahay maxaa ku jabnaa in Maxamed Siyaad Barre heshiis lala galo? Cumar Cartase ma saxsanaa, mise wuu qaldanaa berigaas?

Mr. Raila Odinga ayaa in ka badan 6 Gobol oo 8da Gobol ee Kenya ka kooban tahay doorashadii madaxweynaha ee sanadkii tegay 1997kii kaga adkaaday madaxweyne Kibaki. Laakiin isdaba marin iyo musuqmaasuq dhacay dartiis si qalad ah dib loogu dhaariyey madaxweyne Kibaki. Muxuuse sameeyay Raila? Ma jabhadeeyay mise wuxuu u dhega-nuglaaday baaqyadii ka soo baxayay qeybaha kala duwan ee dadkiisa kuwaasoo ku boorinayey inuusan dagaalimin, dalkana ka dhigin Soomaaliya oo kale!, balse heshiis awood qeybsi ah uu la galo ninkii isaga xukunka ka boobay.

Akhristow, ma ogtahay, hadduusan Mr. Raila sidaasi yeeli laheyn in wixii Soomaaliya ka dhacay ay ahaan lahaayeen “i qarso” sababtoo ah hal usbuuc oo keliya ayaa waxaa wada holcay wadankii oo dhan. Laakiin ILaahey fadligiisa iyo dulqaadkii Mr. Raila muujiyay ayey Kenya ku badbaaday.