Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ruushka Oo Daboolka ka Rogay In Markabka Hubka Saaran Ee Afduuban Ay Si Nabad Ah Ku Soo Furaneyso

Thursday - October 30, 2008

Russia: Dowladda Ruushka oo Daboolka ka rogtay in ay markabka hubka sida ee xeebaha soomaaliya lagu qafaashay ay wada hadalo ku furan doonto.

Wasaarada arimaha dibada Ruushka oo warkaas shaacisay ayaa sheegtay iney wada hadallo ku soo furaneyso markabka hubka xambaarsan ee kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah ay ku heysataan xeebaha dalka Soomaaliya.

War uu siiyey wakaaladda Wararka ee Ruushka wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka ninka la yiraahdo Sergey lavrov ayuu ku sheegay in Ruushku doonayo in qaab wada hadal ah ay ku sii daayaan markabkaas afduuban.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Ruushka ayaa intaa raaciyey in qorshaha meel marinta hindisahaas soo furashada markabkaas iyo shaqaalihiisa ay rajeynayaan iney ku guuleystaan oo si nabad ah u xaalku ku dhamaado.

Sergey lavrov wuxuu intaas uu sii dabadhigay inay ka go'an tahay inaysan adeegsan hab milatari oo dhiig daadasho keena oo waxyeelo ka soo gaarto shaqaalaha markabkaas saaran.

Si kastaba ha ahaatee, markabka hubka sida ee lagu magacaabo MV Faina ayaa waxa xeebaha dalka Soomaaliya lagu afduubtay taariikhdu markay aheyd 25-09-08, wali waxaa ganta ku haya kooxihii burcadda ahaa ee markabkaasi gacanta ku dhigay ama afduubtay.

                                                         Galdogob Times News Desk