Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Warar Qubane Ah Oo koo- kooban

Sunday - November 9, 2008

Iiraan: Xukuumada Wadanka iiraan ayaa jawaab kulul ka bixisay Hadalkii Madaxwaynaha Cusub ee  Wadanka Maraykanka Barack Obama kaas oo ku aadanaa Amuurta Nuclearka Wadanka iiraan isagoo sheegay In Maraykanku uusan aqbalayn in Iiraan ay hormariso Hubka Nuclearka Wadankeeda si ugu adeegsato arimo dagaal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Wadanka Iiraan Cali Laarijaani ayaa tilmaamay in hadalka Obama ee ku aadan Hubka Nuclearka Iiraan uu muujinayo in Obama uu raacay wadadadii uu maray Madaxawynihii hore wadanka Maraykanka Jourge W, bush.

Mar la waydiiyay Laarajaani maxaad ugu baaqaysaa Madaxawynaha Cusub ee Wadanka waxa uu sheegay in hadii Maraykanku uu doonayo inuu badalo Mawqifkiisa ku aadan gobalka bariga dhexe ay haboon tahay In uu ogolaado wadahadal islmarkaana uu ixtiraamo Sharafta dawladaha Xorta ah.

Hadalkan ayaa ka danbeeyay kadib Markii Madaxawynaha Cusub ee Barack Obama uu shir Jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Chikago ku sheegay in aan laga Aqbalayn Iiraan inay sii hormariso Hubkeeda Nuclearka islamarkaana ay waajib tahay inay joojiso kaalmadeeda ku aadan kooxaha Argagixisada oo lagu eedaayay iiraan inay siiso kaalmo Milatari.