Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Cabdikarim Xaaji " Waamo" Oo Si Kooban Uga Warbixiyey Taarkhda Degaanka Kisimaayo

Monday - November 10, 2008


Sida la wada Ogyahay Magaalada Kismaayo waxay ka koobntahay Afar- xaafadood oo kala ah Calanleey, shaqaalaha, faanoole iyo farjano
xafaada calanley waa xaafada ugu taariikh dheer Kismaayo  waxayna xigtaa dhanka xeebta waana mesha dhab ahaan ay waligeed ka socon jirtay ganacsiga dhaqdhaqaaqa magaalada wallow imminka ay jiraan gobo kale oo wax lagu ganacsado.
Kismaayo waa meesha kaliya leh Bad, Beero,Wabi iyo dhul baaxad weyn oo ku wanaagsan daaqsimada xoolaha. Hadaba sida ummada kisimaayo dhamaan ay wada ogtahay kismayo dhulkaas waa mid ummada soomaali ku wada noolaankarto haddi caqligu shaqeynayo, weyna haboontahay in wixi fitno iyo fawdo ah reer waamo si wada jir ah meel uga soo wada jeestaan.
Dhinaca kale ee Qaybta labaad Ee qormadeydaan ayaan jecleystey in aan taariikhda beeshaTanade-lelkase ay ku laheyd waamo-kismayo ama juba-land  Aan labo erey ka iraahdo maa daamaa tarikhda beesha ay ku lahayd kisimaayo tahay tariikh aad iyo aad u facweyn oo an lagu soo koobi Karin qormadan kaliya .
 Xaqiiqada qofna ma inkirikaro beesha Tanade iney tahay  beelihii ugu horeyey ee kismayo degaan ku yeesha, degaankaas oo ay ka mid ahaayeen Joorey, Gobaa, Buulo xaaji, Xalimo Cadey iyo Uurur-anaa iyo Calanleeyey oo waqtigaas ugu can saneyd degaanka waamo kisimayo , waxaana goobahaas dhismaheeda iyo camiraadeeda qayb weyn ka qaatay Ganacsatadii beesha oo u hormood u ahaa suldaankii beesha Tanade-lelkase suldaan xaaji Maxamuud Aw Cilmi , waxayna halkaas daganaayeen qarni illaa ka qarni oo maanta dhinackasta aad ka heli karto raadkooda iyo taariikhdooda, matalan magaca Buulo Xaaji waxaa loogu magacdaray magaca suldaankii Xaaji Maxamuud Aw Cilmi oo ahayd degaankii ay shirarka gaarka ah reerku ku qabsan jireen.
 Xaga siyaasada haddi aan u leexdo beesha waxay laheyd suldaankii ugu caansanaa Juba-land alaha ha u naxariistee suldaan Xaji Maxamoud Aw Cilmi, Suldaanku waagaas wuxuu ka mid ahaa saladiinti mandiqada u gumeystaha ingiriska iyo talyaniga ay kaga dambeeyeen arimaha Juba-land asagoo suldaan Maxamuud uu caan ku ahaa cadaalada, sinaanta iyo xaq dhowrka belaha la degaank ahaa, waxaa kale oo beesha tanade ee carigaas degeneyd ay horseed ka ahaayeen xornimo u dagaalankii laga xoreenayey gumeystaha juba-land ayado magaca S.Y.L  markaas ay horseed ka ahaayeen Mudane Axmed Xaji Maxamoud –aw cilmi, Mudane Bashir Qoslaye, Mudane Kamtiirey, mudane M.A. Afmagad, mudane Axmed Caato, mudane Cali xaashi maxamuud Cadaawe iyo rag kale oo tiro badan oo aan halkan lagu soo koobi karin, mujahidiintaas dhamantoodna alaha ha u naxariisto waana ku farxsanahay xornimada ay noo horseedeen ee maanta aan harsaneyno iyo sida wanaagsan ee ay nabada ugu soo dabaaliyeen degaanadaas waamo–kisimaayo, waxaase xusid mudan in magaalada kisimaayo duqi ama meyarkii ugu hooreeyey u ahaa mudane Axmad yare Xaaji maxmuud oo ka soo jeeday beesha, sido kale meyarkii duqi ugu dambeeyey intaan wareerku dhiciin waxaa la oran jiray Cabdi warfaa, waxayna taas ku tuseysa awooda iyo tixgalinta ay beeshu ku lahayd degaanka.
Gabagabo Waxaan dadyooga ku nool mandiqada Juba-laand Waamo kisimaayo gar ahaan beesha Tanade-lelkase kula tatalinaya iney si wada jir ah nabada ula qaataan guud ahaan beelaha kale oo ayen dhinacna ula safan,oo arimaha iyo falalka qaarkood ka digtoonaadan, intii karaankoodana ay heshiisiin dhx dhigaan walaalahooda kale ee khilaafku hareereyey , waxaan kalo soo jeedinaya in xaaladda  “tiiha” maanta lagu jiro ee wareerka ah awgeed inaan wax lagu jaangoosan ee wax walba sidey ahaan jirtay taariikhdeedi dib loogu noqdo si aan cadaalada looga fogaan, waxaana si gaar ah beesha Tanade-lelkase iyo beelaha dega degaanka jubada hoose gaar ahaan waamo kisimaayo ay horseed u noqdaan qaranimadii geyga iyo soo nooleyntii dhaqankii waamo ee xalaasha no ahaa ee aan wax ku qaybsan jirnay , waana in aan ka fogaana wax kasta oo rabiga na uumay noga caroonkaro
Wa bilaahi Tawfiiq
 By: Cabdikarim Xaji (WAMO)
Fiiro Gaar ah: Qormadan wixi wanaag iyo xumaan midkood ka yimaada waxaa iska leh qoraaga oo ma aha wax khuseeya shabakadaan galdogob times.