Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Xisbiga Muxaafadka Dalka Poland Oo Raali-Galin Siiyey Obama Iyo Warar Kale

Monday - November 10, 2008

Kampala: Dad Somali ah oo Laga Celiyey Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Wadanka Uganda ee Kampala.

Dalka Uganda Waxaa ku Dhaqan Soomaali Tiro badan Oo intooda badan dhowaan ay halkaasi Gaareen , wakhti yar ayuu Dalkaasi kaga midnoqday Dalalka ay ku Dhaqanyihiin Soomaalida ugu badan Ee dalka Dibadiisa ku sugan.

Dhowaan hadaba waxaa Soo Kordhayey Dhibaatooyinka Soomaalidu ay Dalkaasi kala Kulmayaan , waxaana dhibka aad ay dadka soomaalida ah u Dareemeen ay tahay Qaabka ay ku Galaan Dalkaasi

Todobaadkan Gudihiisa waxaa Dalkaasi Dib Looga ceshay Dad Soomaali ah Oo aad u badan ka dib Markii ay si sax ah wax uga Oran waayeen Su’aalo dhowr ah oo lagu weydiiyey garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Dalkaasi kampala

Qaar ka mid ah Tiro yar Oo Soomaali ah Oo keliya ayaa loo Ogolaaday in ay Gudaha u gaalaank Dalkaasi ka dib markii ay bixiyeen lacago la waydiiyey Dadkii iyaga ka damiinka ahaa Dalkaasi uga horeeyey.

Soomaalida waxaa La celiyey todobaadkan xili uu qarax ka dhacay dhowaan Goob Soomaalidu ku badantahay Oo ku taala Caasimada kampala ,halkaasi Oo ay ku dhinteen inta la’ogyahay 3 muwaadiniin Ugandiis ah Tiro kalena ku dhaawacantay

Sikastaba oo ay tahay, dalkaasi Soomaalida ayaa ku taga qaabab kala gedisan oo arday ahaantu ka midtahay laakiinse waxaa badan dadka halkaasi u taga si ay uga sii Gudbaan Dalal kale.

          -----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

 Poland: Raali-galin weyn oo ay u direen Barack Obama xisbiga ka dhisan dalka Poland ka dib markii… 

Waxaa arin la yaab leh noqotay ka dib markii xisbiga muxaafidka wadanka Boland ayaa fariin raaligalin ah u diray Madaxawynaha Cusub ee Wadanka Maraykanka ee Barrack Obama iyagoo ka raali galiyay aflagaado uu kula kacay mid ka mid ah xubnaha sarsare ee Xisbogooda muxaafidka.

Gudoomye ku xigeenka  Xisbiga muxaafidka Wadanka boland oo lagu magacaabo Artor Gourisky ayaa ku tilmaamay Barack Obama inuu yahay nin madaw shuuci ah oo isqarinaya islmarkaana aan u qalmin in loo dhiibo jagada madaxawaynenimo ee Wadanka Maraykanka.

Sidoo kale Artor Gourisky ayaa waxa uu sheegay in doorashada Obama Loo doortay madaxawynaha wadanka Maraykanka ay farxad galinayso Argagixsada Caalamka waa  sida uu hadalka u dhighaye.

Hadaba Gudoomiyaha Xisbiga muxaafidka Wadanka Boland Juwakim Brodzinkey ayaa sheegay in hadalada Artor ayasan ahayn kuwo waafaqsan shuruucda Maamulka isagoo sheegay inuu raali galin u dirayo dhamaanba shacabka Wadanka maraykanka iyo Madaxawyne Obama.

Arintu si kastaba oo ay tahay Juwakim Brodzinkey waxa uu intaa raaciyay in safaarada Wadanka maraykanka uu ku leeyahay Magaalada Warso ee caasimada Wadanka Boland ay u direen fariin qoraal ah oo ay kaga cudurdaaranayaan aflagaadadii  gudoomiye ku xigeenka Xisbogooda uu kula kacay barrack Obama.

Raali galinta uu ka bixiyay mid ka mid ah xisbiga muxaafidka ee wadanka Poland ayaa noqotay mid si aad ah dadka ay la dhaceen ayna noqotay mid lala yaabo raali galinta madaxwayanaha cusub oo sanadka cusub madaxweyne ka noqon doono dalka Maraykanka Mr. Barack Obama oo aflagaadeeyay mid ka midh xisbiga muxaafika ee wadanka  Poland.

                             ----------------------------------------------------------------------------