Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Ganacsatada Soomaalida Ee Ku Dhaqan Dalka South Afrika Oo Ka Muregeysan Sharci Lagu Soo Rogay

Tuesday - November 11, 2008

South Afrika: Bayaan ka soobaxay xukuumadda South Afrika ayaa lagu xadidey ganacsiga Soomaalida ay ku leedahay wadanka South afrika , bayaankaan oo ka hadlaayey qodobo xasaasi ah ayaa waxaa lagu cadeeyey in Soomaalida ku nool wadanka south Afrika ay si buuxda u cadeeyaan meelaha ay ka keensadaan ganacsiga, inta ayen gaarsiin dukaamadooda ay ku leeyihiin wadanka South Afrika.
 
Wareegtadaas waxay fareysa In si buuxda loo cadeeyo milkiilaha dukaanka iyo meelaha alaabaha ganacsiga u ka keeno, si loo ogaado inuu cashuuraha bixiyey iyo in kale iyo in si weyn loo hagaajiyo nadaafadda dukaamada ay Soomaalida leeyihiin taas oo lagu sheegay ganacsigooda in ay si weyn hoos ugu dhigtey bilacda magaalooyinka.