Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Khalkhalka Ku Dhacay Seyladaha Maaliyadeed Ee Mareykanka

Saturday - November 22, 2008

Sida lala wada socdo waxaa maanta adduunka ka taagan dhibaato dhaqaale oo aad u qoto dheer, Waxaana uu jahawareer ku dhacay seyladaha maaliyadda (stock exchange) ee adduunka oo dhan iyadoo qarka loo saaran yahay inuu dumo hanaanka maaliyadeed ee caalamiga ah, Waxaa kacay oo musallafay bangiyo iyo shirkaddo waaweyn oo hanti iyo magac weeynba lahaa.Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxay ku tilmaantay dhibaatadan maaliyadeed tii ugu weyneyd ee adduunka soo marta marka laga reebo dhibaatadii dhaqaale ee weynayd (depression) ee adduunka ku habsatay sanadooyinkii 1930-kii, “Tan oo kale qarnigiiba marbay dhacdaa” ayuu yidhi Alan Greenspan, guddoomiyihii hore ee Federal Reserve Bank oo ah bankiga dhexe ee Maraykanka.

Maxaa sababay dhibaatadan sidaas u culus?

Waxaan isku dayey inaan qaybahan hoose ku qaadaadhigo asbaabihii keenay dhibaatadan iyo herarka ay soo martay, Haddaanse in yar oo hordhac ah ka hormariyo, waxaa dhibaatadan loo aaneynayaa qar-isk-tuurka iyo qayrul-mas’uulnimada hay’adaha maaliyadda ee Maraykanka oo sida muuqata halis galiyey dhaqaalaha aduunkoo gabi ahaanba, aragtida dhaqaale ee ka dhaqan gashay cariga Maraykanka laga bilaabo sanooyinkii 1980-kii oo uu hormuud u ahaa, sida la xusuusto, madaxweyne Ronald Reagan, aragtidaas oo ah in suuqa la xoreeyo oo laga madaxbanaaneeyo wax kasta oo kormeer iyo ilaalin ah iyo dhaqaalaha Mareykanka oo 25-kii sano ee ugu dambeeyey ku tiirsanaa deyn ama amaah, dillaalnimo iyo damac.

Marka hore, bal aan isla fahamno laba eray oo soo noq noqon dona. Labadaas eray waa “recession” iyo “depression”. Ereyga “recession” waxaa la adeegsada markii dhaqaaluhu hoos ugu dhaco muddo ka badan lix bilood, waxaan halbeeg loo qaata wax soosaarka guud ee dalka “Gross Domestic Product” (GDP). Tusaale, “recession”kii 1990-1991 wuxuu socday 9 bilood, waxaana sababay hoos-u-dhac dhan 1.5% ee “GDP”. “Depression” waa marka dhaqaaluhu hoos uga dhaco in ka badan 10%. Tusaale, “depression”kii dhacay 1929-1933 wuxuu sababay hoos-u-dhac dhan 33% ee “GDP”. Sababa mar kasta tusaale loogu soo qaato “depression”kii 1929-1933, loogana cabsado waxay tahay, waxaa waagaas dhacay hoos-u-dhac dhaqaale oo lagu ba’ay oo sababay gaajo, shaqo l’aaan, saboolnimo, diihaal, darxumo iwm. Depression’kaas ayaa loo tiriyaa inuu mas’uul ka ahaa Dagaalkii Adduunweynaha ee Labaad oo Sidaas ayuu halis u yahay “depression”ku.

Bilowgii Mashaakilka.

Waxaa dhibaatadaan dhaqaale ee hadda socota lagu bisleeyaa sidii buufin la afuufay oo qarxay (bubble). Si buufintaan loo fahmo waa inaan aynu dib ugu noqonaa sanadooyinkii 1999 iyo 2000, Waa xilligii la afuufay buufiin kale (dot.com bubble). Isla bangiyada ka dambeeyey dhibaatadan ayaa taasna sabab u ahaa.

Waxaa la dhisay ilaa 500 shirkadood oo la yidhi farasamada cusub ee internetka ayey hirgalinayeen oo iyagoo weli aan waxsoosaar samayn la sii kala gatay saamiyadoodii, la sii buunbuuniyey qiimahoodii ilaa uu buufinkii qarxay. Waxaa ka sii horeeyey qaraxii buufinkii ugu weeynaa ee 1929 “stock market crash of 1929” oo isaguna ka dhashay qiimaha saamiyada oo la buunbuuniyey oo la buufiyey, ka dibna qarxay, Ka dib markii buufinkii “dot.com bubble” uu qarxay sanadkii 2000, dhacdadii 9/11na ay ka dambeeysey, ayaa Federal Reserve Bank uu heerka dulsaarka (interest rate) si isdabajoog ah hoos ugu dhigay min 6.5% sanadkii 2001 ilaa uu gaadhsiiyey 1% sandkii 2004 oo ah heerkii ugu hooseeyey 45-kii sano ee ugu dambeeyey, Waxaa siyaasaddaas lacageed hirgeliyey Alan Greenspan, Guddoomiyihii hore ee Federal Reserve Bank, ujeedadiisuna waxay ahayd inuu ka hortago hoos-u-dhac dhaqaale (recession). Alan Greenspan waxaa wagaas loo haystay nin cabqari ah, macallin maskax badan (maestro), uur-ku-baale og wixii dhaqaalaha ku soo beegan.

Hasa yeeshee hadda waxaa loo arkaa inuu qayb ku lahaa dhibaatada dhaqaale ee hadda taagan isagoo ka gaabsaday inuu xakameeyo hawlaha sharci darada ah ee hay’addaha maaliyadda Maraykanku ku dhaqmayeen sanooyin badan. Isaga, oo ah guddoomiyaha bangiga dhexe, ayaa laga rabay inuu kormeero baniyada iyo hay’addaha maaliyadda balse maa uu yeelin sidaa, waayo isga laftiisu wuxuu ka mid ahaa kooxda aaminsan in suuq xorta ahi uu mar kasta sax yahay, faragelinta dawladduna ay mar kasta khaldan tahay.

Dulsaarka la yareeyey wuxuu dhiirigeliyey dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha. Xagga guryaha waxaa hoos u dhacay dulsaarka amaahda guryaha (mortgage), oo sababay in dalabka guryuhu bato, ka dibna qiimahoodu kaco, Bangiyada oo lacag badan oo naqdi ah helay ayaa bilaabay inay fursaddaas ka faa’iideeystaan, waxayna hindiseen hab maaliyadeed cusub oo aan hoos ku tilmaami doono.

Waagii hore markaad guri iibsanaysid bangi ayaad morgej ka qaadaneysey, Bangigu amaahda ayuu ku siinayey adiguna bil kasta waxaad bixineysey haftooyin ka kooban dulsaarkii iyo lafihii (principal). Habkan cusubi wuxuu deynkaagii ka dhigay sidii badeeco suuqa lagu kala iibsanayo. Bangigii guriga kuu maalgeliyey wuxuu deynkaagii ka gaday Bangi maalgalineed (investment bank), bankigii maalgalintuna kumaankum diyuun ah ayuu isku dhafay oo sarrifay, oo uu u rogay warqado maaliyadeed oo qiima go’an leh (Mortgage-backed securities), oo ka gaday adduunka oo idil, dawladdo, shirkaddo, dadweyne, hay’addaha maamulaha lacagaha hawlgabka iwm.

Meeshii awal hal banki iyo hal deyn-qabe ay macamiili jireen, hadda waxaa beddeley silsilad isku xiran oo ka kooban qofkii morgejka qaatay, bangiga ugu horeeya oo amaahiyey, bangiga weyn oo kala wareegay iyo dadka iyo hay’addaha laga gaday waraaq-maaliyeedka oo adduunka oo idil ku firiqsan. Ogoow, waxa lagu xisaabtamayaa oo la kala gadanayaa waa lacagta dulsaarka ah iyo lafaha uu bixin doono qofka morgejka qaatay.

Warqad-maaliyeed waa shahaado kuu ballaanqaadaysa in maalgelintaadu kuu dhalayso lacag go’an iyo waqti go’an (bille ama sanadle iwm.), isla-mar ahaantaasna aad suuqa ka gaddi kartid haddaad u baahatid (secondary market). Waxaa warqad-maaliyeed ka mid ah “bonds”, saamiyada shirkadaha, iwm.

Habkan cusubi wuxuu keenay inay bangiyadii morgejka bixin jirey helaan hanti hor leh. Ka dib, waxay bilaabeen inay amaah siiyaan dad badan oo aan awood u lahayn inay deyn bixiyaan. Waa dad aan buuxin karin shuruudaha amaah-bixinta, sabatoo ah dakhligooda oo aad u hooseeya iyo iyagoo aan lahayn taariikh deyn-gudid (credit history). Waa dad heerka kalsoonidoodu hooseyso, oo lagu dabaqo heer dulsaar oo ka sarreeya kan caadiga ah, loona yaqaan (subprime loans). Sanooyinkii 2002 ila 2005, bangiyada maalgeliya morgejka waxay si qayrul-mas’uulnimo ah u bixiyeen amaah xad-dhaaf ah oo la siiyey dad danyar ah oo qaarkood dalka ku cusub yihiin, Dadkaas waxaa lagu khalday, inkastoo iyaga laftooda hunguri qaaday, habka loo farsameeyey morgjeka oo ah inaynaan wax lacag ah bixinayn labada sano ee hore, Waxaa qarsoon oo aan loo sheegin in dulsaarku noqonayo mid isrogrogaya (adjustable) oo la socda suuqa. Caadiyan morgejka waxaa lagu qaataa heer dulsaar oo xadidan (fixed). Morgejyada noocaan ah waxaa loo bixiyey NINJA loans (no income, no jobs, no asset) oo micnaheedu yahay qofka qaadanaya morgejka lama weeydiinayn inuu dakhli, ama shaqo, ama hanti leeyahay. Sida muuqata, shirkadaha, bangiyada iyo dillaaliinta ka baayac mushtara morgejka muraadba kama lahayn in deyntaas la bixin doono iyo in kale, Waxaa u darnaa oo keliya inay helaan faa’iido iyo khidmad xad-dhaaf ah.