Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Xagee Islamarayaan Khilaafkii Cabdulaahi Yuusuf Iyo Madaxdi Itoobiya?

Saturday - November 22, 2008

Addis Ababa - Sida la ogyahay Madaxda dalka Ethiopia ayaa si weyn ugu qaybsamay siyaasada Somalia ; taasoo salka ku haysa khilaafka u dhexeeya C/Laahi Yusuf iyo Nuur Cadde, iyo gaar ahaan badalkii lagu sameeyey taliyihii colallka ee hawlgalka ka hayey Soomaaliya General Gabre iyadoo Ethiopia dhanka milateriga ay ka taageeraysay DF tan iyo 2006.

ILo wareedyo xogogaal ah oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi iyo wasiirkiisa arrimaha dibada Seyou Mesfin ay siyaasad ahaan ku kala fogaadeen oo ciryaameyn gashay wadashaqyntoodi, Mesfin ayaa todobaadkan ka sheegay shir ay IGAD ku yeelatay Addis Ababa in ciidamadooda aysan ku sii haynayn Somalia, ayna tahay madaxda Somalida si wadajir ah uga hortagaan khatarta ku fool leh.

Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia ayaa si weyn ugu xiran taliyaha ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa Somalia Mr. Gabre oo dhawaan la badalay kadib markii Mr. Yusuf uu kal hore ka codsaday Zenawi inuu generalkaas badalo, isagoo ku eedeeyay inuu yahay mid ka shaqeynaya isdaba-maryeyn iyo isagoo sooryo soo dhaweyn ah ka qaatay odayaal dawlada dagaal kula jira.