Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Maxaa U Sabab Ahaa In Dhagaxtuur Gudoomiyaha Gobolka Loo Doorto

Monday - November 24, 2008

Mogadisho: Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaabkii ay u dhacday doorashadii xubnaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo ujeedada laga lahaa in Dhagaxtuur xilkaas loo doortana ay aheyd mid horay u qorsheysneyd.

Warbixin xaqiiqa loo badinayo oo la helay ayaa waxaa ay sheegaysaa in Ra’iisul Wasaaraha Nuur Cade isagoo adeegsanaya awoodiisa Mas’uulnimo uu si khasab ah ku dhisay Maamul uu yeesho Gobolka Banaadir isagoo jeebka ku wata sida la caddeeyay xubnaha Maamulkaas.

Sida la sheegayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cade iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cabdisalaan oo kharash ka helaya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta dhismaha Maamulada dalka Ee UNPOS ay mar horeba dhistay Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana xubnaha Golaha deegaanka loo yeeriyay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha damacsan yahay.

Labo Maalin ka hor ayaa la xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaruhu iyo ku-xigeenkiisa daabaceen qoraal cadeynaya in uu dhisan yahay Maamulka Gobolka Banaadir.

Mar sii horeysay mid ka mid ah xoghaynada Ra’iisul Wasaaraha gabadha lagu magacabo Mino Xasan Shibis ayaa la shirtay 8 Guddoomiye Degmo oo beel ahaan ka soo jeeda dhinaca Ra’iisul Wasaaraha kuwaas oo lagu wargeliyay in ay doortaan Dhagaxtuur oo Ra’iisul Wasaaraha raali ka yahay, dabcana sida la xuseyna meesha beeso hawl-fududeyna kama marneyn.

Sidoo kale Axmed C/salaan ayaa isna la kulmay kuwa beeshiisa ka soo jeeda wuxuuna ku wargeliyay in la doorto Dhagaxtuur oo Ra’iisul Wasaaraha wato.