Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

700 Maraakiib Shisheeye Oo Xaalufeyn Iyo Nabaad-guurin Ka Wada Xeebaha Soomaaliya

Tuesday - November 25, 2008

Nairobi - Iyadoo la ogyahay in maraakiib badan oo ka kala socoto wadamada adduunka ay ilaalo ka wadaan xeebaha soomaaliya si ay uga ilaaliyaan burcad badeedka soomaalida ineey afduubtaan maraakiibta ganacsiga ayaa hadana markiibtani ay ka wadaan xaaluf iyo boob sharci daro ah xeebaha hodanka ah ee dalka soomaaliya sidaasi waxaa sheegtay baaris eey sameeysay jariirada ugu afka dheer ee ka soo baxda dalka Australia oo lagu magacaabo Sydney Herald.

Wadamada ay maraakiibtooda bililiqada arxan la,aanta ah ka wadaan biyaha soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah france, Spain ,Japan, South korea, Taiwan, Egypt , Kenya, Pakistan, Saudi Arabia, Srilanka,Yemen, Belize, Norway iyo Ruushka.

Professor Schofield oo ah professor wax ka dhiga jaamacada Wollobgog’s ee xarunta Kheyraadka badaha iyo amaanka (center for resources and security) ayaa sheegay in maraakiibtani shisheeye halkii ay diirada saari lahaayeen wax ka qabashada xaalada burcad badeedka ay ku mashquulsanyihiin kaluumeysi sharci darro ah iyo dabar gooyn ay ku hayaan kheyraadka badda ku jira ee Soomaaliya iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaya iney dagaal kula jiraan burcad badeedka Soomaalida waxuuna intaasi ku daray professor Schofield in ilaa inta wax laga qabanayo boobka iyo xaalufka sharci darada ah eey maraakiibta shisheeye ka wadaan xeebaha soomaaliya in burcad badeedka soomaalida eeysan kaligood ahaan doonin kuwa falalka sharci darada ah ka wada xeebaha Soomaaliya.