Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shiikh Aadan Madoobe Oo Heshiiska Jabuutii Ku Noqotay Filan-waa Iyo Waxaan Moodaayey

Wednesday - November 26, 2008

Baydhabo: Baarlamaanka Dowladda KMG ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa 90% waxay ku tilmaameen go'aanka heshiiseed ee laga gaaray magaalada Jabuuti in uusan aheyn mid sharciga iyo Axdiga Dowladda kMG waafaqsan, maadaama uusan go'aankani ku fadhin wax tar faa'iido badan u haya ummada Soomaaliyeed, aanan ka aheyn Baarlamaan sicir barar hor leh lagu sameeyey, iyadoo kuwii hore ay la'ayihiin dhaqaallahii iyo qorshahii wax qabad ay ku howl gali lahaayeen.

Baarlamaanka cusub, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay gebi ahaanba la damacsan yahay mudo yar gudaheed in mid mid loogu badalo midkii hore ee uu hormuudka u ahaa Sheekh Aadan Madoobe, kaasoo isagu kolkii hore isu arkeyey in aysan xil ka qaadis mansabeed lagu sameyn doonin ballantuna u arkayey in ay sidaa tahay, ayaa waxaa soo if baxay maadaama uu wax ka fuliyey mu'aamarooyinkii Dowaldda KMG billihi dambe lagu marin habaabiyey, isagoo loogu sheekeeyey in aysan saameyn ku lahaan doonin.