Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ciidamo Cusub Oo Itoobiyaan Ah Oo Xalay Soo Gaaray Magaalada Baydhabo

Sunday - November 30, 2008

Baydhabo: Ciidamo Ethiopian oo fara badan, isla markaana wata ku dhowaad 30 gaadiidka ayaa xalay soo galay Magaalada Baydhabo, kadib markii ay habeen hore ka soo kicitimeen Deegaanka Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana Ciidamada inta ay soo safrayeen wadada aysan la kulmin wax dagaal ah sida horay u dhici jirtay.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan oo sahay sida laga yaabo inay u sii gudbaan Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin dhowr Kun oo ciidamo, kuwaasoo xarumo kala duwan fariisimo ku leh.

Ciidamada ayaa markii ay soo gaareen Magaalada Baydhabo waxay hakad geliyeen dhaq dhaqaaqa Magaalada Baydhabo, waxaana saaka Magaaladaas ay ciidamada isugu kala gudbinayaan sahay kala duwan.

Degmada Bardaale oo marin istaarijiyadeed ah ayaa Ciidamada Ethiopia waxay shalay ku soo mareen si nabdoon, bedelkii ay weeraro kala kulmi jireen Xoogaga Islaamiyiinta oo wadada ugu gali jiray agagaarka deegaankaas, taasoo dhowr goor khasaare xoog badan Ciidamada ka soo gaaray.