Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shariifkii Lagu Shafshafeeyey 275 Xildhibaan Samata-bixin Awgeed Oo Dalbaday Ciidan Xabada Joojiya

Tuesday - December 2, 2008

Jabuuti-Mogadisho: Waxaa maalmahaan shuushuuda bulshada Soomaali qarkood meelkasta ay ku kulmaan kaga hadlaan kuna faaqidaan hadaladi indha-adeyga ee dhawaan ka soo yeeray Shiikh Shariif iyo xulafadiisa isbahaysiga xoreynta oo sheegay in haddi ciidamada xabashida ay baxaan u dalka qarka u saarnaan-doono mixnad, murug, shido hor leh oo tacadiyo badan iyo qabweyni damac kursi la isku dooxeysto

Shiikh Shariif Waxuu kalo hadalkiisi baryotanka ka mid ahaa in ciidamada itoobiyaanka bixitaankooda hakad la galiyo inta ay ka imaanayaan ciidamo shisheeye oo joojiya xabada iyo tacadiyada dhicidoona.

Hadaba dad badan oo amuuraha ka socda guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Mogdisho ciiryaamo uga jirto sababo kasta ha ku dhacde, ayaa filanwaa ku noqotay in Shiikh Shariif oo loo siiyey shafshafo 275 xildhibaan inu dalka xabada ka socota joojiyo, iyo tan u kula jiro itoobiyaankaba oo uu isagii maanta ku boryootamayo in la keeno ciidamo xabada joojiya, kuwa itoobyaankana la hakiyo.

Su'aasha kooxdaas shuushuuleyneysa ay meesha soo dhigeen ayaa waxay tahay "Oo Shariifow maxaad u qaadatay 275 xubnaha baarlamaanka haddi aadan xabad joojin karin oo dalka aadan nabadgalyo ka dhigi karin oo shuruudna uga dhigtay in ciidamada itoobiyaanka iyo kuwa kalaba si dhaqso ah uga baxaan dalka"