Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Raisal-Wasaare La Magacaabay Iyo Gole Wasiiro U Dhisay

Friday - January 30, 2009

Magacaabida Raiisal-Wasaaraha Soomaaliya:

- Madaxweynaha marku Arkay Soo jeedinta danjirayaasha Mareykanka Ingiiriiska iyo faransiiska

- Madaxweynaha marku Arkay Qabqablayaasha Iyo Tororoglayaasha Bulshada

--Markuu Dhageystay garyarta Galdogob, Gureceel,Garbahaarey,Galkacyo iyo Garowe

-Marku Tixgaliyey dhalinyarada Shabaabka ee Shakaduhu u taxanyihiin

- Marku Dhageystay Jawaasiista jaajuusta jawaasiista kale

-Isagoo dhageystay Gruubka Teetanada ee waqooyi Ameerika

-Marku Degeystay Fariinta uga timid General Gabre

-Marku dhageystay warbixinta Cali Daacuun 

               Waxuu magaabay Mudane Dr. Xayraan Hurfe Gaajeysane

Raiisal-Wasaare Xayraan Hurfe Gaajeysane oo aqbalay soo jeedintaas madaxweynaha Waxuu isagana durbaba magacaabay golihiisi Wasiirada oo u dhisay sida soo Socota isagoo tilmaamay mid waliba sababaha loogu abaalmariyey wasiirnimadaas.

Waxuuna u Akhriyey sida soo socota:

Bismilaahi Raxmaani-Raxiim, walaalayaal Maraxb Iyo Gudoon Wacan.

1- Mudane " Shiikh Qoys Dumiye" Gar alle wadaadka waan u bognay kaalinta u qaataye... Waa Nin waxtarka bulshada aan waligiis wax ka hagran siiba markay timaado xalinta xaaladaha murageysan....sixir la is tuso iyo farsamo wuxuu sameeyaba waxuu ahaa caalimkii ku iftooday dilkii dhagaxa rajmiga lagu sameeyey gabadhi 13 jirka ee kisimaayo lagu soo eedeeye falal dambiyeed, waxuu kalo kaalin wax ku ool ah ka qaatay iftaagi lagu gawracay wiilkii la sheegay inu gaalo diinteed dhuuni u raacay oo jiinka fuuqsaday....waa nin aan u jaxin-jaxin culimada madaahibta ka jawaabta ee saluugsan qaabka aan u shaqeyno ee ciid kasta iyo ehelba jiireysa ... Sidaa darteed waxaa loo magacaabay Wasiirka cadaaladda iyo Amuuraha diinta, waxaana looga fadhiya in sheekada Cadaalada iyo diinta gasho meel wanagsan oo u dajiyo xaduud iyo xeerar lagu dhaqmo.....Sacab iyo Alaahu-akbar, Alaahu-akbar.

2- Mudane "Faarax faranji Gaad"  Goorti qurbaha lagu milmay marmi-waa ayaa dhacday.... faarax F.Gaad Waa shakhsi caanka ku ahaa dabagalka iyo dabargoynta shaqaalaha sama-falda ajnabiga oo ka hawlgala dalka gudihiisa...kuwaa in badan oo iyaga ah dhagta dhiiga u daray, iyadoo mudadi u afduubka ku haystay shaqaalahaas u ka korarsaday luqooyinkii ay ku hadlayeen iyo gorgortankii dilaalka madax-furashadooda, sida daraadeed waxuu muteystay wasiirka arimaha dibada iyo xiriirka iskaashiga caalamiga, waxaana looga fadhiya inu is- xayd-xaydka iyo muranka dooda badiyo oo u indhaha ku taag-taago gorgortana u la sameeyo dawladaha xariga kala jiidanaya, waana inu dawladaha u sheega inaan nahay qaran dumay iyo dal-qaybsamay, dadkeenuna sadex qayb-ahaanted qurbe iney ku nooshahay....Sacab iyo Alaahu Akbar, Alaahu Akbar.

3- Mudane " Cadaab Huriye" magaca loo dooray waa mid aan laga muransaneyn maalin iyo leyle.... Waa halyey geesi tilmaaman oo gefka iyo xumaanta aan gacanta ka laaban, cadawgina ka dhigay wax la dilay iyo wax la baqo galiyey....falalkiisi ugu dambeeyey ee taxana ahaa oo u ku gumaaday qoysaskii jaarka la ahaa xarumihi cadawga ee meelo kala duwan ku yiilay, waxuuna caan ku yahay xagasha hawlgalada lagu wiiqayo cadowga oo kii ugu dambeeyey u ahaa kii u ku ciribtiray haweenkii nadiifinaayey wadadi gaalada cadawgu marayeen ee Maka al-Mukarama..... Gardaduub waxaa noo xiray oo jiho noo diiday waa kwaas oo kale oo cadawga dariiqa u nadiifinaya... Sida darteed geesigaas waxaa loo magacaabay wasiirka gaashandhiga oo waxaa isna looga fadhiya inu dajiyo qorshihii lagu dhisi-lahaa ciidamadi xoogi dalka soomaaliyeed oo la jaan qaadi kara gaashaanbuurta NATO iyo cududa shiinaha, isla markaana u diyaariyo xeeladihii cadawga na guul-guulaya iyo cayda gaalo raacda nagu hayaan .... waa inaan nala ka macaashin haddi duulaan nala ku soo qaado ...Sacab iyo Alaahu-akbar, Alaahu-akbar.

4- Mudane "Xalaal Ma Cune" Waxba hadalku yuusan ila dheeraane.... Waa wiil Geel jira ahaan jiray hasa-ahatee dagaaladi sokeeye dhabarka ka jabiyey cadawga oo qaraxi miinada u dhigay rag iyo hawenba hilbahoodi ku noqdeen kuwa karsan ....dabadeed muujiyey maskax iyo garad iyo muruq intaba....Waa geesi maalinti taag xuntahay tol ku noqonaya, haba yaraate waa nin aan cabsi aqoon oo ninkasta ay dagaalaan xabadka ka fuula siiba markay timaado hanti taabsiga oo u qaata sidi xoolo yarad loo siiyey.... ma jiro nin xeel ka badiya maalinti xaqiiqadu timaado....  hadal lama sariige maxuu sidaas gacantiisa ku soo xareeyey hanti badan oo ay lahaayeen cadawo cararay, waxuuna ku amaanayahay sida wacan oo u kala maareeyey hantidas oo mid waliba u ugu sameeyey ciidan ilaaliya iyo kuwa kala xisaabiya, sidaa darteed waxaan u magacaabay wasiirka Maaliyada iyo Dakhliga, waxaana wasiirka ma daama usan ahayn bakhiil dhuuxa shiila laga sugaya inu ninkasta oo mudan siiba halgamayaashi qaranka u nin walba u tolo haruub iyo haamo gooniya oo u kaga baxo saboolnimada isla markaana u hindiso sidi u dhaqaalaha muluq kaga siin lahaa kuwa Aabiga iyo gardarada nola taagan.... Sacab iyo Alaahu-Akbar,Alaahu-Akbar.