Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawlad Calan Madow Oo Ka Dhan Ah Shiikh Shariif iyo Sharmarke Oo Dhawaan Looga Dhawaaqi-doono Som.

Monday - Feb 23, 2009

Marka: Horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa shir uga socdaa Magaalada Marka muddo saddex maalmood ah, waxayna isku mari la'a yihiin qaab-dhismeedka dowlad ay ku sheegeen Islaami oo ay u dhisi-doonaan guud ahaan geeska Afrika, gaar ahaana Somalia...Dowladan oo ay doonayaan iney ku magacaabaan Imaarada Dhulka Labada Hijro "Biladul Hijrateyn" oo loola jeedo dhulkii ay u soo hijroodeen Asxaabtii uu hogaaminayey Jacfar Bin Abi-Daalib (RC),Dhulkaas oo ka kooban Somaliya iyo Ethiopia.

Dowladaas oo la filayey in lagu dhawaaqo shalay ayaa waxa dib u dhigay Khilaaf soo kala dhexgalay Hojoogayaasha Xarakada oo ku saabsan Qaab-dhismeedka, Saami-qaybsqiga iyo wakhtiga lagu dhawaaqayo,taas oo qaarkood ay u arkeen in dib loo dhigo halka kuwa kalena ay u arkeen in lagu dhawaaqo iminka, Astaanta ama Calanka dowladaasi wuxuu noqon doonaa calan madow oo dhexda ay kaga taalo Shahaadataynka.  

Dhanka kale Taageerayasha Sh. Xasan Turki ee degaanka Jubooyinka ayaa culays ku haya hogaamiyahooda Sh. Xasan, taas oo ah in uu jawaab cad ka keeno Madaxda Al-Shabaab oo kaga baxay balankii ay wada galeen markii ay qabsadeen Kismaayo oo ahaa in qolo walba ay lix bilood hayso maamulka Kismaayo.

Madaxa Al-Shabaab Axmed Aw-Cabdi Godane ayaa dhabarka u jeediyey balankii uu la galay Sh. Xasan Turki markii uu ku xoogaystay Kismaayo, waxayna danta ku qasabtay Wadaadka Xasan-Turki in uu dib ugu laabto degaankiisii hore ee Badhaadhe iyo Raaskaamboni. Sidoo kale taageerayaasha Sh. Xasan waxay codsanayaan in laga qanciyo sababta loo dilay Cabdi-raxman Waldiire, loona sii daayey Xildhibaan Xaabsade...Abu-mansoor ayaa isna loo haystaa in uu Masuuliyiin ka tirsanaa maamulkii korneyl Yuusuf oo ka soo jeeda Beesha Hawiye uu ku Gumaaday Mogdisho iyo hareeraheeda, islamarkaana uu badbaadiyey Xildhibaano iyo Saraakiil ka soo jeeday beeshiisa oo uu ku qabtay Baydhabo. Arintaa ayaa lagu macneeyey in Abu-mansoor uu gunta u fadhiyo Cudurkii Somaalida dishooday ee ahaa Qabyaalada.