Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maamulka Islaamiga Kisimaayo Oo Meel Mariyey Xuquuqdii Xoolaha Iyo Amaro Kale Oo..........

Monday - Feb 23, 2009

Kismaanyo - Maamulka islaamiga ah ee ka arimiya gobolada jubooyinka gaar ahaan magaalada kismaanyo ayaa soo saaray wareegto ay ku mamnuucayaan xakamaha ka samaysan birta ee lagu kexeeyo dameeraha la rarto iyo kan dibiyada sanka laga suro oo ah hogaanka lagu kexeeyo, kuwaas oo badanaaba lagaga dhaqmo gobolada jubooyinka, isla markaana waxa ay shaaca ka qaadeen in qofkii lagu arko isaga aadeegsanya in uu la kulmi doono ganaax.

Gudoomiyaha xafiiska dacwadaha ee degmada kimaanyo sh. c/rashiid Abu-yoonis ayaa sheegay in maanta waxii ka dambeeya ay mamnuuc ka tahay xayawaanka ay ka mid yihiin dameeraha xakamaha birta ah. ee afka laga geliyo iyo kuwa dibiyada sanka laga suro, islamrkaana waxa uu tilmaamay in laga doonayo dadka dhaqda xaywaankaasi  iney u hogaansamaan amarkan.

Sidoo kale xafiiska dacwadaha maamulka islaamiga ah ee kismaanyo ayaa sidoo kale  wareegtadaas ku xusay in xiliga salaada duhur laga bilaabo 12:10 daqiiqo aan la arki Karin meel ganacsi oo furan, isaga oo sheegay in looga baahan yahay ganacsatada inay ka hor Eedamka salaada looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan salaada, isla markaana waxa uu xusay in qofki lagu arko isaga oo ay u furan tahay goobtiisa xiligaas la shaaciyeyna in ganaaxi doono.