Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhiillo Baqdin Leh Oo Sulun-Suluxayneysa Hawada Xamar..Tolayey Abtirsinyihiina Maxaa Idin ILoowsiyey

Tuesday - Feb 24, 2009

Mogadisho Halow taararka waa Hirarka Dhaadheere... Uurxumo hartaa maanta timid... Dagaalkii Muqdisho waa sii dalacay , Huguguftii Hawzarada iyo holacisi waxuu ku socda shacab aan waxba galabsan.... xogta la helayna waxay tilmaameysa in beelihii ay bilaabeen alaab iyo hub aruursi... qabaaiilo ayaa bilaabay iney hoonka yeeriyaan isku dhiirinaya tolayey iyo Abtirsiinyaha maxaad idin iloowsiiyey iyo walaal kale miya arlada ku jooga... wixii musiibo dhacahayey lagama faaiideysan oo waakaas mogadisho maanta waxay u suduleysantahay kuwa maskaxda qabyaalad jiifto oo nabada aan qaadaneyn.

Waxaa la yiri runta lama inkirikaro beense wa la asaraaraa - Roor iyo dhig mooye la waa raadkii nabada.... mahdigi nabada nalo ku sheegay Shiikh Shariif iyo Malihi ay soo dhoodhoobeen CIAda iyo xulufadoodi waa beenooday...Ciroole,waxgarad iyo Culimo Tashiigoodi waa la dhaafsiiyey oo waxaa taladi la wareegay maleeshiyo dhaga duuban kuna qarweysa " Jihaadoo hadaan kaa gabado orodna kaa gaabsho".... Xaqiiqada Rabi tuugmo mooye dadkii Hawo iyo Rajo kale ka reebantay.