Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Goobaha Dagaalka Oo Shafka Laysu Tumayo Iyo Awyadi Garcasta Oo Weli Kala Dab Qaadeysa

Wednesday - Feb 25, 2009

Mogadisho: Tala xumadii aan nafta loo tureyn Weli sidi ayey u socta dadkiina dakharo badan ayey la kulmeen oo meyd iyo dhaawaciba isbitaaladay daadsanyihiin /./ Kooxaha dagaalka wada tashigi odayaasha tolkooda waa diideen iney Maqlaan lamase garanaayo kooxaha wax diidan iney tabar badan keeni-doonaan ma daama la leeyahay odayaashoodi bey ku gacanseyreen /./ Shiikh Indha-Cade oo mash-huur diineed isku muuneeya hadafkiisa noqday inu wax dhiigeeyo waxuu u egyahay nin shoolad dalaq oran-doona waayo isagoo dhufeyska dagaalka yuurara ayuu afkiisi halowsanaa ku haraaroonaya inu dadka runta ka habaabiyo oo afka u saaro hayjad Oomana ah /./

Arintu si kastaba ha ahaate Ragi shalay dhiilada balaayada iyo calaacalka ku habar-wacday waxaa la sheegay in beelohoodi Akhas ugu afcliyeen oo halkaas qorshihi sahankoodi fadqalalada ku beenoobay /./ laakiinse sida socota saadaasha mustaqbalka waxaa laga baqaa iney sheekada u dhurato habar-wacasho oo rag-dhuuni raaca aragtidooda gaaban awgeed wax dacfaruuraan.... baruur kaliya baruuro qurmisa " One Scabbed Sheep Infects The Whole Flock" /./

Shiikh Shariif oo ah Madaxweynaha dalka ayaa la sheegay in shalay tolkiisa ay ula yimaadeen hawlgal dagal oo ay kaga hortagaan xadgudbka iyo xagaldaacinta Daahir Aweys iyo isbahaysigiisa hasa-ahaate Shiikh Shariif oo fadhibarad ku ah siyaasada oo aan xeel ka hayn dipoloomaasiyada shuruucda loogu jawaabo sheekadaas oo kale ayaa u ekaaday nin qabyaalad heensanaya oo ugu baaqay iney laabta dagaal ku hayaan, halka u ka dihi-lahaa tolkeygiyow Nabad Baadi gooba /./