Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waa Fadhiilat Al-Sheekh Dr. Shuceybf Iyo Casharkiisi Baraarujinta Maanta" Nafaqada Jirka Iyo Nafta"

Thursday - Feb 26, 2009

Ma had oo dhan Allah bay u ahaate, naxariis iyo nabadgelyo ha ahaato suubane Nebi Mohamed.

Casharkeena Jimcahan waxaan kusoo qaadanayaa mowduuc aan rajeynayo inuu xiiso gaar ah u yeesho akhristaha bogga galdogobtimes, waxuu ku saabsan yahay Nafaqada Jirka iyo Nafta.

Qof kasta oo inaga mid ah wuxuu ka sameysan yahay laba qeybood, qeyb kasta waxa loo baahan yahay in la nafaqeeyo si ay u gudato howsha u gaarka ah. Hadii labadaa qeybood ay waayaan nafaqada loo baahan yahay, waxey halis u yihiin iney gabaan shaqadooda markaana qofku curyaamo ama uu bukoodo. Si looga hortago hawl gab ku dhaca qeybaha muhiimka ah waxa loo baahan yahay in si wanaagsan loo nafaqeeyo.

Mida hore oo ah jirka la taaban karo, waxa nafaqo u noqda raashinka xalaasha ah ee kala duwan oo la quuto sida: Borotiinka, Sokorada, iyo Dufanka. Intaa waxa dheer oo jirku u baahan yahay Macdanta muhiimka ah ee kala duwan (Essential minerals), iyo Xoojiye-yaalka kala duwan (Vitamins).

Qeybta labaad oo ah Nafta (Soul), waxa loo baahan yahay in si wanaagsan looga taxadaro oo loo xanaaneeyo, maxaa yeelay la’aanteed jirka shaqada laga doonayo inuu guto ma dheeli tiri karo, wuxuuna halis u yahay in cudurada khatarta ah ee u badan dalalka horay u maray dadka ku dhaca, kuwaa oo ay ka mid yihiin: cudurada u gaarka ah Maanka iyo Maskaxda sida Waalida, Niyad-Jabka (Depression) iyo kuwo kaloo farabadan oo aad halis u ah, si sahlana looga hor tegi karo, hadii la isticmaalo dawada aad loogu guuleystay ee Allah noogu sheegay Kitaabka Kariimka ah (Qur’aan), isla markaana la raaco tusaalaha Suubane Rasuulka Maxamed (N.N. korkiisa ha noqoto).

Nafaqada nafta, waxa ka mid ah in lagu carbiyo inta ay curdunka tahay Hab-nololeed wanaagsan (Good Life Style). Waxyaabaha saldhiga u ah hab-nololeedka wanaagsan waxa ka mid ah qofka oo raaca jidkii Allah u jeexay adoomadiisa oo idil iney maraan, iyo inuu falo wixii la faray, kana fogaado wixii lagu amray inuu iska ilaasho. Waxaan la isku diideyn hadii jirkeena uu heli waayo cuno nafaqo leh, in muddo gaaban dhexdeed uu qaadayo cudurada ka yimaada nafaqo-darida (Malnutrition). Sida la ogsoon yahay, marka hore waxa jirka ka dhamaada biyaha wuxuuna noqdaa yaabis (Dehydrated), markaa ka dib hadii qofku ahaa mid baruur  leh ama cayilan, wuu caatoobaa, dabadeedna murqaha ayaa gurma, ugu dambeyntana waxuu sida badan u dhintaa cudurada ay keenaan noolayaasha yar-yar ee jirka Aadmiga khatarta u ah, (Infections). 

Waxa hubaal ah, in dadka intooda badan, marka laga reebo in yar oo Allah u naxariistay mooyee ay moog yihiin in naftooda ay u baahan tahay nafaqo, dabadeedna waxa ay noqdaan kuwo aan wax badan dhaamin xoolaha, sidoodana u nool. Wanaaga iyo xumahay ayaa isaga darma, markaa waxey hilmaamaan ulajeedada ka dambeysay abuuristooda iyo waajibka kala duwan ee ka saran naftooda, diintooda, reerkooda iyo dalkooda ama guud ahaan mujtamaca ay ku dhex nool yihiin.

Dadka noocaa ah ugu dambeynta waxa ka luma qiimaha nolosha ka dibna waxey u badan tahay iney noqdaan kuwo Niyad-jab ku dhoco ama waasha.

Dawada ugu sahlan ee Allah noo tilmaamay, naftana lagu nafaqeeyo aan fa’iidadeeda wax ka tilmaamo. Sida la hubo Salaada waxa weeye tiirka labaad ee diinta islaamka, waa xariga nafta ku xira Allah, qofka salaada ooga, si buuxda u guta shuruudeeda, raad aan tirmin bey ku reebtaa naftiisa. Astaamaha lagu gaarto qofka tukada waxa ka mid ah, isaga oo had iyo jeer ay wejigiisa ka muuqato farxad iyo dhalaal, isku kalsooni, iyo deganaasho. Salaadu waa xarig si toos ah nafta ugu xira Rabiga abuuray, marka qofku la yimaado salaadaha la faray inuu guto, waxa si toos ah uu xiriir ula yeeshaa Allah, si joogta ahna waxuu u xusuustaa sababta loo abuuray, sida Eebe noogu sheegay Qur’aanka barakeysan oo uu ku yiri: “ Oog Salaada, si aad ii xasuusatid ”. Qofka tukada salaada waxey u noqota nuur uu ku arko waxa ka dhacaya hareertiisa, si ka duwan aragtida qofka aan tukan. Waxuu ka fogaadaa wixii Allah caradiisa keeni karta, sida ay noo tilmaameyso aayadan: “Salaadu waxa ay reebtaa fadeexada iyo xumahay.”  Sidoo kale Rasuulka Maxamed (N.N. korkiisa ha noqoto), inoo sheegay in salaadu tahay nuur, sida laga soo wariyay Imam Muslim.

Hadii aan kala mid dhigno falalka xun ee qofka ka yimaada iney la mid tahay sida Xasharaadka, Cayayaanka, Gooryaanka, iyo Noolaha aan isha-qaban ee halista u ah adamiga, Salaada waxey la mid tahay sunta iyo dawada lagula dagaalamo, sida Allah noogu sheegay Qur’aanka Kariimka ah: “Oog Salaada labada daraf ee maalinta iyo habeenka Qeybta hore, wanaagu wuxuu tirtiraa xumahay.”

Halkaa waxa inooga muuqata in salaadu tahay tiirka ugu xooga badan ee islaamka, kuna xiga shahaadada, waxana weeye waajibka ugu weyn ee laga rabo qofka muslimka ah. Waxa intaa dheer, in salaadu tahay qodobka ugu khatarsan ee laga tago marka laga gudbo shahaadada. Waa cibaadada keli ah ee loogu dabaaldegay xaflad samaawi ah, kolkii Subane Rasuulka Maxamed (N.N. korkiisa ka noqoto), uu si toos ah ula kulmay Rabigii habeenkii barakeysnaa ee lagu tilmaamay Qur’aanka looguna magac daray Israa iyo Micraaj. Waxaa kuu muujinaya fadliga ay leedahay salaadu sida dhowr goor loogu tilmaamay suurado badan oo ka tirsan Qur’aanka iyo axaadiista nebiga laga soo wariyay.

Hadaba waxa waajib igu ah inaan xuso waxa buriya Salaada oo loo baahan yahay in qofka iska ilaaliyo ama ka digtoonaado, kuwa oo ay ka mid yihiin: Hilibka neefka bakhtiya, oo aan si sharciga islaamka loo bireyn. Kaluunka waa xalaal, sidoo kale kuwa aan dhiiga laheyn, sida Barambarada, kolka ay dhintaan nijaaso ma aha. Lafaha meydka, Geesaha, Timaha, Cijiyaha, Baalasha, Maqaarka marka la qalajiyo wey haboon tahay in la taabto ama la isticmaalo ama la qaato.

 Dhiiga neefka la bireeyay, dhiiga caadada haweenka, iyo midka umusha, dhiiga si badan uga baxa meel dhaawac ah ee dadka ama xoolaha. Hilibka Doofaarka. Kaadida iyo Saxarada dadka, Mataga, waxa waajib ah hadii ay ku gaaraan inaad ka qubeysatid. Qoyaanka ka yimaada raga marka ay ku fekeraan oo ay niyestaan dumar, shahwada isqilaaf ayaa ku jira, inkastoo la fadli yeelo in la qubeysto. Qoyaanka cad oo dheg-dhega, kana yimaada xubnaha isugalka ee dumarka, sababtana ay ugu badan tahay cudur ku dhaca qeybahaa. Kaadida iyo Saxarad xoolaha aan la cunin hilibkooda, Sida Dameerka, Shimbiraha dhaawacma, Daayeerka iyo wixii kaloo la mid ah. Khamriga inkastoo culimada qaarkood ay u arkaan ineysan aheyn nijaaso, hase yeeshee ay tahay Nijaaso macno ahaan. Hambada Eygaiyo Hambada Doofaarka. Allah,  Ayadan wuxuu inoogu sheegay Qur’aanka: “Kuwii Allah rumeeyay, hadaaad u istaagtaan salaad, meyraa wejigiina iyo gacmihiina ilaa xusulada, markaa masaxa madaxiina iyo lugihiina ilaa qoobka, hadaad januubtaan is daahiriya, hadaad jirantihiin ama aad safar tihiin ama aad saxarootaan ama aad taabataan haween, biyana weydaan Boor-booreysta si wanaagsan kuna masaxa wejigiina iyo gacmihiina, Rabi ma doonayo inuu ciriiri idin bido, hase yeeshee wuxuu doonaa inuu idin daahiriyo, oo idiin dhameystiro nimcadiisa, waa intaa oo aad u mahad celisaan.” Sida ay noo sheegtay aayadan barakeysan, qofku inta uusan u istaagin salada waa inuu weyseystaa oo iska daahiriyaa afar shey oo salaada buriya, kuwa oo kala ah: Wasakhda la taaban karo. Akhlaaqda iyo dabeecadaha xun. Falalka xun oo laga tanaasulo. Dembiga oo la iska daahiriyo, islamarka la galo.