Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

" Dagaalku Waxuu Ahaa Mid Kooban Oo Lagu Xakameynaayey Is-Balaarinta Sh.Shariif" Sidaas Waxaa Yiri:

Friday - Feb 27, 2009

Nairobi-Kenya: Nin u muuqday Af-maal iskuna buuqsanaa oo shabakadaan la soo xariiray diideyna in magaciisa la kashifo ayaa isagoo booteynaya carabka ku dhuftay sababta ay is-laamiyiinta dirir xadadan daraad iyo shalay u qaadeen... waxuuna shakhsigaas oo shegtay inu ka mid yahay taageerayaasha xisbul-islaamka uu ku tilmaamay iney ahayd dhoola tus dirir lagu xakameynaayey faataadhugta Is-Balaarinta Shiikh Shariif oo ku dhiiraday inu maleeshiyo qabyaaladed ku balaarsado dhulalka ay run ahaanti ka taliyaan Muqaawamada islaamiyiinta oo hadalkiisi ku daray intaa: " in Birta intey ku-lushahay la budeynaayo... darbi-jiifki shalay oo durbaba dhiibaya amar dawlo oo doonaaya inu xqiiqada cufeeyo... wajigiisa runta ah ayaan daaha ka rogeynaa... ma yeeleyno basaas loo sacb-tumayo dood ha u celin hana la dacwin... sheekada Shariif siriqda ay u maleegeen kufriga waa wixii qaribay ciraaq iyo reer falastiin ee ma aha mid ay ku doonayaan sulux iyo inaan sinaano "

Shakhsigaas oo nagu rogay faan marku nala hadlaayey waxuu kalo sheegay in iyadana is-miidaamintii qarax ku dhacay xerada ciidamada AMISOM ay ahayd dhambaal loogu digahayey in ciidama kale afrika aysan soo hunguriyeen imaanshaha dalkaan taaso oo u yiri waan ku guuleysanay oo waa taas durbaba dawlada Neyjeriya hakisey ciidamadeedi ay u soo waday cariga Soomaaliya.

Isla markaa isagoo ka jawaabaya su'aall la xariirta waxa ay doonayaan waxuu sheegtay in heshiishka jabuuti u yahay mid lagu sifeynkaro kala faquuq gardaduubna lagu sameeyey shacabkii Muqaawamada ee dalka ka xoreeyey ciidamadii Tigreega siriqna nalo qoolay..... waxaan dooneyna inaan xaqiiqada aan indhaha laga qarsan oo xeesha iyo hagardaamada nala qooshay laga noqdo isagoo intaa si raacshay oo yiri: Naftu iney maqnaato iyo iney mahad ku noolaato wixii u dhaxeeya waa maawelis.... Shariifka Hangoolka loo lulay Fuleynimada ku caan baxay xarafna garaneyn Cagta Cagta ayaan u saareynaa.... Doqonta amaan aysan la hayn haddi lagu sheego maratabo usan lahayn ayuu isumuujiya... Shariifka nagama baxsandoono ayuu hadalkiisi ku soo gaabiyey