Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

wiil u dhalay

Saturday - Feb 28, 2009

ooxda Juventus iyo maxaa kala heysta Cayaaryahanka Soomaliga Ayub Da'ud
 

 

Wakiilada xidiga da'da yar ee dalka Somalia iyo kooxda dhalinyarada Juventus Ayub Daa'ud Jeenyo ayaa raja wanaagsan ka qaba in kooxda Juventus ay u cusbooneysiin doonto heshiiska weeraryahanka da'da yar ee dalka Somalia iyo kooxda Juventus.


Dhaq dhaqaaqa ku aadan cusboneysiinta qandaraaska uu kula joogo kooxda Juventus ayaa waxaa ay timid kadib markii uu soo bandhigay ciyaaryahan Da'ud qaab ciyaareed la jecleystay tartanka dhalinyarada kooxaha heerka koowaad ee dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Viareggio Carnival Cup.

 

Weeraryahanka dalka Somalia Ayub Daud ayaa u horseeday kooxda juunyerka Juventus in ay ku guuleystaan markoodi lixaad koobkan oo ah mid aad u xiisa badan, waxaana uu ku guuleystay gool dhalinta tartanka isaga oo ka dhaliyey tartanka 8 gool.

 

Ayuub oo ah 19 sano jir taageero badan ka kasbaday kooxda Juventus ayaa waxaa uu si aad ah uga dhex muuqday ciyaartii finalka tartanka Viareggio Carnival Cup oo ay isku haleeleen kooxaha dhalinyarada Juventus iyo Sampdoria, waxaana 4-1 ku badisay kooxda Juventus.

 

Wakiilka ciyaaryahankan oo lagu magacaabo Ulisse Savini, ayaa sheegay in ay la soo xiriireen kooxo badan oo ka dhisan dalalka Ingiriiska iyo Spain balse muusan carabaabin magacyada koxaha doonaya Ayub Da'ud waxaase kooxahaasi ay qirteen in ay la dhaceen xidigan kubada ku ciyaara labada lug kana soo jeeda dalka ay aafeeyeen dagaalada ee Somalia.

 


“Ayub waxaa uu tixgelinayaa sidii uu usii joogi lahaa kooxdan Juve waayo waxaa uu u ixtiraamaa sida qoyskiisa oo kale,waxaa uu rabaa in uu noqdo qof muhiim ah oo si toos ah ugu biira kooxda kowaad ee Juventus,laakin waxaan filayaa in dhawaan ay heshiiska ucusboneeysiiyaan wiilkan da,ada yar”sidaa waxaa yiri wakiilak ciyaaryahan Ayub ninka lagu magacaabo Ulisse Savini mar uu wareeysi siiyey wargeeyska sida aadka ah logaga aqristo dalka Talyaaniga ee Tuttomercatoweb.


Ayub waxaa dhalay Xidigii hore ee dalka Somalia Daud Jeenyo oo ka mid ahaa xidigihii hore ee xulka qaranka Soomaaliyeed iyo kooxdii heerka koowaad ee Jeenyo,inankan da,da yar ee ka ciyaara dhinaca weerarka waxaa uu tagay dalka Talyaaniga isaga oo 5 sano jir ah,waxaa uu usoo ciyaaray kooxda qaranka Soomaaliya ee da,doodu ay ka hooseeyso 21-sano jirrada.