Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Danjire David Shinn" Kooxda Al-Shabaab Ma Haystaan Iminka Maleeshiyo Ku Filan Oo U Dagaalanta"

Wednesday - March 18, 2009

Danjire David Shinn: Ujeedadii Al-shabaab Ay Ku Lifaaqday Dagaalkii Lala Galay Ciidamada Ethiopia Wuu Fashilmay.  
Washington:-  Wargeyska Sentinel oo ka soo baxa xarunta ciidamada Maraykanka ee West Point ayaa Danjire David Shinn oo ah khabiir ku xeeldheer arimaha Somalia uu ku sheegay in kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab uu hoos u dhac weyni ku yimi awoodoodii maleeshiyo iyo tii Hubka isagoo isla markaa Danjiraha u beeniyey hadal ka soo yeeray Maraykanka oo ahaa in awoodda Al-shabaab ay sii kordhayso.

Danjire David ayaa markuu u waramaayey wargayska yiri....kooxda Al-shabaab ma haystaan iminka Maleeshiyo ku filan oo u dagaalanta.

Warbixintiisa ayuu Danjiruhu sabab uga dhigay in ay keentay bixitaankii ciidamadii Ethiopia ay ka baxeen Somalia, taas oo si xoogan u dhaacwaday tabtii iyo xeeladii ay Al-shabaab ku kasban jirtay maleeshiyooyinka u dagaalama. "Al-shabaab waxay ku qaraaban jireen oo ku heli jireen dhalinyarada u dagaalanta, iyaga oo leh waxaan la dagaalamaynaa cadawga Ethiopia ee dalka ku soo duulay,isla markaan xasuuqaaya shacabka iyo waxgaradka Somaliyeed ee ay ku tuhmaan in ay fahamsanyihiin ujeedadooda ah Xukun-doonka ayuu yiri Danjire Shinn.

waxa kale oo uu intaa raaciyey Masuulku in sirdoonka Maraykanka ay ku socdaan xowli, isla markaana ay shaacinayaan warar aanay si dhab ah u hubsan, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Al-shabaab ay weli tahay koox awood leh.

Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ayaa toddobaadkii tegay dhagaystay warbixin ay soo saartay [CIA] taas oo sheegaysa in Al-shabaab ay ciidan ahaan u qoranayso Somalida ku nool Gobolka Minnesota, iyaga oo tilmaamay in ay taasi kordhinayso awooda kooxdan.

Masuuliyiin ka tirsan sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in ay suurogal tahay in Al-shabaab iyo Al-Qacida oo dhanka dhaqaalaha ka taageerta ay dhowaan shaacin doonaan in ay midoobeen.

"Dagaalyahanadii u dagaalamayey Al-shabaab, ma ahan kuwo qabay fikirka xagjirnimada ah ee Al-shabaab, balse dagaalkoodu wuxuu ahaa mid ku jahaysan in ay dalkooda ka saraan Ethiopia, waxayna hada bilaabeen in ay ka baxaan xayndaabka kooxdan argagixisada ah" ayuu yiri Danjire Shinn.... Mar hadii ay ciidamada Ethiopia ka baxeen Somalia, ma helayso Al-shabaab taageero la mid ah tii ay heli jirtay, dadkuna waxay u muuqdaan kuwo ku baraarugay ujeedada Al-shabaab ay ku lifaaqday dagaalkii lagula jiray Ciidamada Ethiopia.

David Shinn, wuxuu carabka ku dhuftay in dadka Reer Muqdisha ay hadda taageersan yihin dawlada cusub ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah wadaada qunyar-socodka ah ee Somalia. "Colaada u dhexeysa Al-shabaab iyo Ahlu-suna waxay muujinaysaa in awoodii Al-shabaab ay laciiftay, iyada oo dagaaladuna ay ka dhasheen sida khaldan ee ay Al-shabaab u turjumayso diinta Islaamka iyo iyadoo Diinta ka dhigatay mid ay ku gaarto danaheeda siyaasadeed" ayuu yidhi Danjire Shinn.