Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Warbixinn Laga Sii Daayey TViga Swidish Oo Ku Saabsan Dilkii Caasho Dhuxulow

Friday - March 20, 2009

Somalia- Walaal Bal Eg Warbixinta murugada leh ee laga sii daayey Talevishinka lagu magacaabo svt oo ah swedish TV... warbixinta TViga waxay ka hadleysa inantan yar ee ka muuqata halkan " ka eg cajalada dhinaca midigta website-kan" waa Caasha Dhuxulow oo ay dhagax ku dileen kooxda Al-shabaab ee kisimaayo oo ay horkacayaan Majaaniin ku qaraabta magac islaam oo sharaxa diimeed meelna ka sureyn haddi loo sheegana aan gareysaneyn... is-maqiiqa iyo tala xumidooda weli wey ku sii taagan yihiin oo madaahib meel ay ka keeneen aan la garaneyn ayey dadkii ku shideeyen.

Waa warbixin ku saabsan Inanta yar ee aan Qaangaarka ahayn markii la dilay, waxa cajlada ka hadlaaya Marxuumada Aabaheed iyo Hooyadeed iyo waliba dad kale oo joogay meeshii Sabigaa yar ee 13 jirka ahaa lagu dilay, iyaga oo ka waramaaya sida dhalaankaa loo dilay.

Xaajo niman ogeyn baa indhaha ka rida Taw-tawlayaasha hogaaminaya wiilashaan sheeganaya al-shabaab ee kisimaayo falkaas hagardaamada harka cad ka sameeyey waa kuwa sidoodaba badi xogtooda la helay oo horay inkaar waalid u qabay quraankana aan alif loo dhigin iyo waliba sacabadooda oo aan nadiif lagu sheegin .