Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Fadiilat Al-digtor Sh. Shuceyb Iyo Casharkii Baraarijinta Jimcaha " Daryeelka Xanaanada Caruurta"

Thursday - March 19, 2009

Asalamu Aleykum, Walxamdullilah, Walcaaqibatu Lil Mutaqiina Walaa Cudwaana Ilaa cala Dhaalimiina.

Waxaan ku bilaabayaa maqaalka baraarujinta Jimcahan, Magaca Allah weyne iyo Saliga Suubanaha N.N. Korkiisa ha ahaato.

Allah Subhanuhu watacaalaa, waxuu Qur'aanka kariimka ah noogu tilmaamay in Maalka iyo Caruurta ay yihiin Quruxda iyo Bilicda nolosha Aduunkan dhow, sidaa darteed waxa la saaray waajib culus qofkii Allah ubad siiyo, kuwaa wax ka mid ahna waxaan ku tilmaamay maqaalkii baraarujinta Jimcihii hore, midkana waxuu horudhac u yahay maqaalo isdaba joog ah oo aan jeclahay inaan wax ka sheego daryeelka iyo xanaanada ay mudan yihiin caruurta, iyada oo rajadeydu tahay inuu wax ka fa'ideysto akhristaha daalacda bogga www.galdogobtimes.com.  

Daryeelka Caruurta iyo Xanaanadooda. Daryeelka iyo xanaanada caruurta waxa waajib ah iney bilaabato inta aysan weli uurka gelin, Soomaaliduna waxa ay ku maah-maahdaa, Wiilkaaga waxuu hiilo kaaga baahan yahay marka aad hooyadii dooneyso, oo aan ula jeedo, gabadha iyo inanka markey niyoodaan guur, waxa loo baahan yahay iney ka fiirsadaan qofka ay la qeybsanayaan noloshooda. In la qaado mas’uuliyada qoys cusub ma aha mid sahlan, sida la ogyahay burburka ku dhaca qoyska waxa intooda badan ugu wacan labo qof oo aan horay isu aqoon oo mudo yar is arkay, kadibna guur ku heshiiyay iyaga oo aan si wanaagsan isu dabeecad baran.  Mudo markii la wada joogo oo la is dabeecad keeni waayo ayaa la kal boodaa, halkaana waxa ku luma daryeelkii ilmuhu u baahnaayeen iney helaan laba waalid oo wada nool.

Arinkale oo ka mid ah daryeelka caruurta inta aysan weli uurka gelin waxa ka mid ah in gabadha guur doonka ah ay iska tilaasho ugu yaraan sadex bilood ka hor inta aysan aqal gelin cudurka Jadeeco uyaal loo yaqaan (Rubella), waa cudur inta badan ku dhaca caruurta oo aan dhib badan u geysan sida badan, hase yeeshee marka uu ku dhoco dumarka uurka leh sadexda bilood ee uurka ugu horeysa, waxa uu dhibaato balaaran u geystaa ilmaha caloosha ay ku sido, hadii aan horay looga tilaalin.

Dumarka marka ay uurka yeeshaan waxa laga doonayaa, sadexda bilood  ee ugu horeysa iney iska ilaashaan in ay qaataan dawooyinka kala duwan ee xanuunka loo qaato, iyo wixii la mid ah, oo sifo kale oo kala duwan ay horay u isticmaali jireen.

Tusaale usoo qaado kuwa ay ka mid yihiin Doriyeyaasha Maanka, oo dhowr nooc u kala baxa, laguna magcaabo: 1. Narcotics   2. Sedatives   3. Hypnotics   4.  Analgesics.

Sidoo kale waxa loo baahan yahay mudada uurka ay sido iney joojiso hadii ay isticmaali jirtay Sigaar, Qaad, Khamri, ama wixii kaloo la mid ah.

Marka qof dumar ah uur yeelato, oo ay horay u isticmaali jirtay dawo, cudur haya dartii, waxa loo baahan yahay iney si deg deg ah ula xiriirto takhtarka, hadii ay laheyd mid u khaas ah oo horay ula socda arinteeda caafimaad, ama ay la tashato midkii ugu dhow.

Sidoo kale hadii qof dumar ah ilmo qaado iyada oo horay u isticmaali jirtay dawo ay u qaadaneysay cudur haya oo ay ku nooshahay meel aan takhtar joogin, waxa laga rabaa iney isu miisaanto iney wado dawada ay qaadato inta ay kala kulmeyso takhtar, iyo iney joojiso dawada, kol hadii ay ilmo qaaday.

Taxadar dartii, dumarka qaba cudurada raaga (Chronic Diseases), kuna jira da’da dumarku rimaan (15 ilaa 45) sano, waxa loo baahan yahay iney sii ogadaan waxa ay ka yeelayaan dawada ay u qaataan cudurka haya hadii ay uur qaadaan.