Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

95 Dawladood Oo La Filayo In Shacabkooda Ku Gadoodaan Markii Ay waayaan Qalaxsiga Caanihi Qaboobaa

Sunday - March 22, 2009

Waa Duni yaab badan oo Duhur iyo fiid hadba midab la timaada...Fadqalalo iyo faramaroojin xukun ayaa laga cabsi qaba in ay ku dhacdo illa 95 dawladood oo maanta la diiqoonaya saameynta dhaqaalaha dunida Aafoobay...shucuubta caqeysan ee ku gadoodi-doona dawladahooda ee la tilmaamay waxaa ka mid ah Itoobiya, hungary iyo Masar oo la yiri gadoodkooda ma ahaan doono kuwa buntukh lagu waabin-karayo, sida ay warbixinada qorahayaan dhaqaalaha sanadkaan 2009 ayaa si xun looga dayrinayo oo la leeyahay deganaasho la'aan siyaaso iyo mid bushaba ayaa saameyndoona maamulada dunida ka jira badankooda

Mr. Robert Solik oo ah madaxa Bangiga Aduunka Ayaa isna warbixintiisi sabtida magaalada Brokssel u kaga hadlay dhaqaala xumida aduunka kuna tilmaamay mid sidi daacuun dunida ugu fididoona oo ummada badan ay waayi-doonaan qalaxsigi caanahi qaboobaa .