Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Awooda Isa Soo Tareysa Ee Dalka Iran Maxay Ku Dambeyn-doontaa? By MM Kastan

Monday - March 23, 2009

Dalka Iran ayaa si toosa iyo si dadbanba ugu hawlgasha sidii ay saameynta iyo awoodda joogtada ah ugu yeelan lahayd arrimaha Bariga Dhexe ka taagan.

Iran oo iminka talada dalka gacanta ugu jirto koox muxaafidiin ah oo uu horkacayo Madaxweyne Axmedinejad oo isaga lagu tiriyo inuu ka mid ahaa ardaydii daacadda Khomeyni u ahayd, isla markaana lagu tiriyo inuu ka mid ahaa ardaydii safaaradda Maraykanka ee Tahran xoogga ku qabsatay.

Tan iyo intii uu xukunka uu kala wareegay Maxamed Khaatimi oo Maraykanka iyo Yurub u arki jiireen shakhsi qunyar-socod ah waxa batay siyaasadda ismaandhaafka ee u dhexeysa Iran iyo waddamada reer galbeedka, gaar ahaan iyagoo aad uga walaacsan Iran inay sameysato hubka nukliyeerka ee wax gummaada.

Iran oo iyana dhinaceeda ka sheeganaysa xaq inay u leedahay sidiiay u heli lahayd tignoolajiyadda nukliyeerka ee kaga faa’iideysato dhinaca tamarta nabadda.

Iran ayaa uu hoggaan samiweyday digniino iyo cunaqabateyno kaga yimi fadhiyo Golaha Ammaanka ka yeeshay iyada oo lagu sheegay Iran ugu wacan tahay inay iska indhotirto go’aannada ka soo baxa Golaha Ammaanka, taas oo saadaalisay cunaqabateynta dhaqaale aan waxba u dhimi doonin oo horeba u saarnayeen iyo iyaga o u arkay Maraykanku in aannu Iran ku soo qaadi doonin dagaal oo uu la ildaran yahay dagaallada uu ka wado Ciraaq iyo Afghanistan.

Sida oo kale awoodda isa soo taraysa ee Iran waxa iyana sas ka qaba Israel iyo waddamada Carabta, taas oo Israel iyadu u aragta nukliyeer bamka haddii ay samaysato Iran inay ka masaxdo qariirada adduunka Iran, waxaanay ku dhaarteen inay waddo kasta u marayaan arrintaa si aanay u dhicin.

Iyadoo bilihi ugu dambeeyey ee Madaxweyne Bush ciidammada cirka Israel dhoolatusyuo ay sameynayeen jaraa’idyada qaar ku sheegeen inay weerari karaan goobaha lagu farsameeyo barnaamijka nukliyeerka ee dalka Iran, qaar ka midana wargeysyada Maraykanku waxay qoreen inay Israel doonaysay Iran weerarto, laakiin arrintaa Madaxweyne Bush iska hortaagay.

Dhinaca kale waddamada Cabarta ayaa iyagana u dhexaysa Iran cadawad fog dhinaca madaahibta sunniga iyo shiicadda iyo iyagoo ka cabsi qaba damaci Iran ee dhul sheegashada waddamada Carabta, qaar inay dib u soo celiso haddii ay awood yeelato.

Waxa kale oo ay u arkaan Xisbulaah iyo Xamaas u sameysay danaheeda gobolka inay ka fuliyaan, iyada oo aad isku taageeraan dalka Suuriya oo qoyska xukunka dalkaaas haya ka soo jeeda shiicadda calawiyiinta loo yaqaan oo Siyad Cali ku abtirsada, taas oo Iran wakiil uga ah Xisbulah iyo Xamaas hawlgelintooda.

Masar iyo Sucuudigu waxay dedaal ugu jiraan sidii xayndaabka Carabta loogu soo celin lahaa Suuriya, iyadoo dhinaca kale ay ka dhex wado Turkig, Suuriya iyo Israel wadahadallo aan toos ahayn oo la doonayo in lagu heshiisiiyo Israel iyo Suuriya. Dabadeed, Iran la mid noqoto marka dambe shimbir baalasha laga rifay oo aan duuli karayn.

Turkiga dhinaciisa waxay u arkaan Iran inaan la dhayalsan karin oo xilligan Maraykanka u baahan yahay, arrintaa oo xigtay Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Goul oo toddobaadkii tegay Iran kula kulmay Madaxweyne Axmedinejad oo halkaa ku guddoonsiiyey dhambaal uu ugu siday Madaxweyne Barack Obama, iyada oo arrintaa lagu tilmaamay mid muujinaysa in Maraykanku aannu ka oggolaaday Turkiga Iran wadahadallo inuu la yeesho.

Sidoo kale, waddamada toddobaadkii hore ku kulmay arrimaha Afghanistan in wax laga qabto, waxay isla qaateen Iran in laga soo qaybgeliyo, iyadoo horrena Iran gacan weyn ka siisay Maraykanka markuu Daalibaan ku riday, ayaa iminka loo arkay iyadoo toddoba iyo toban kun ciidamo Maraykan ah lagu xoojiyey waddankaas si August doorasho u dhacdo, haddana waxa la isla qaatay Iran la’aanteeda waxba kala soconayn.

Sida ooa kale Ra’iisal-wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Britain, ayaa sheegay in Iran xaq u leedahay nukliyeer shicib ah ay hesho, laakiin uu noqdo mid Qaramada Midoobay gacanta ku hayso oo la socoto.

Sida oo kale, Obama ayaa isna sheegay in la gaadhay xilligii 30 sanno la soo afjari lahaa ismaan-dhaafka u dhexeeyey Iran iyo Maraykanka.