Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Soomaali Lagu Waxyeeleeyey Rabshado Ay Saxaafada Kenya Kicisey

Tuesday - March 24, 2009

Nairobi-Dad careysan oo Kenyan ah ayaa rabshado xoogan shalay dhigey meel suuq iska deg ah oo la sheegey in ganacsato Soomaaliyeed ay iibsadeen, waxaa ku waxyeeloobey dad Soomaaliyeed oo qarakood isbitaalada la dhigey.

Dhulkani oo ahaa mid banaan oo u dhow faras magaalaha Nairobi ayaa habeenkii isniinta soo galaysay lagu wareejiyey jiingado si looga bilaabo dhismayaal caadi ah, Dad goobta banaan ku ganacsan jirey si sharci darro ah oo ay hoosta kasoo huriyeen saxaafada dalka kadib markii laga dhaadhiciyey in dadka meesha iibsaday ay yihiin dad ajaaniib ah, ayaa rabshado xoogan dhigey iyagoo wax kasta burburiyey, waxay dhagxaan la dhaceen gaadiidka dadweynaha, waxay boobeen dadkii rakaabka ahaa, Ciidanka Booliiska-ka ayaa sunta dadka kaga ilmeeysiisa ku furey dadka kadibna ku guuleystey in ay kala eryaan.