Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Al-Shabaab Bay-Bakol Oo Ka Gadooday Tala-xumida Lagu Qodqoday Qabrigii Shiikk Aweys Al-Qaadiri

Tuesday - March 24, 2009

Baydhabo: Yaa kiciyey dhiigi Qaadiryada oo qoday qabrigii shiikha... taladu waxay ku toosta Tashiga...Xoolo xumo waxaa ka daran Maan-xumo ... Qosol ma adiga kara adigoo arkaya qabrigii taariikhda culimada oo la baduugaayo.. Adeerow ka joog kuma hakado Awr qooqne... Baryo rabi waa lagu barwaaqoobaa, Mid Aadanese waa lagu basaasa... Xoog wuxuu u baahanyahay xigmad, xilkuna wuxuu u baahanyahay xilkasnimo.

Waxaa xiisad aad u kacsan ay ka dhalatay fal maalinimadii shalay ururka Xisbul Islaam kula kacay qabriga hoggaamiyihii dariiqada suufiyada shiikh Uweysul Al-Qaadiri ee Soomaaliya.

Waxaana arrintaasi xalay warbaahinta uga hadlay Sarkaal u hadlay ururka Al-Shabaab oo falkaasi ku tilmaamay mid Uur xumo reebay ahna mid xad gudub ku ah oo araxda ka toogtay iyaga

Afhayeenka u hadlay ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Shiikh Xasan ayaa sheegay in ururka Xisbul Islaam uu ku soo xadgudbay degaanada uu ka taliyo ee ku yaala gobolka Bakool degaanka Biyooley... wuxuuna sheegay arrintaasi sheegay inuu kala kulmayo madaxda sare ee Xisbul Islaam inay ka bixiyaan war laga gadankaro ee tacadiyada ay u geysteen culumadii ku sugneyd degaanka Biyooley oo ciidamada Xisbul Islaam ay u geysteen falal kala duwan.

Dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in ururka Xisbul Islaam falalkaasi wixii cawaaqib ah ee ka yimaada masÂ’uuliyadeeda uu iska leeyahay oo ay u dulqaataan ilaaqda ay dalbadeen.

Waxaana Guddoomiyaha Al-Shabaab uga wakiilka ah gobolada Bay iyo Bakool uu sheegay inaan marnaba loo baahneyn wax iska hor keeni kara bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa degan gobolka bacdamaa ay haatan heystaan xaalado kala duwan oo dhibaatooyin ah.