Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Fadilat AL- Digtoor Sh. Shuceyb Iyo Baraarujintiisi Maalinta Jimcaha " Fa'iidada Naas Nuujinta"

Thursday - March 26, 2009

Asalamu Aleykum, Walxamdullilah, Walcaaqibatu Lil Mutaqiina Walaa Cudwaana Ilaa cala Dhaalimiina.

Waxaan ku bilaabayaa, Magaca Allah weyne iyo Saliga Suubanaha N.N. Korkiisa ha ahaato, sidii aan u ballan qaaday hore in aan dhowr maqaal kaga hadlo daryelka caruurta iyo xanaanadooda, midkan wuxuu daba joogaa kii aan bilaabay Jimcihii lasoo dhaafay, wuxuuna ku saabsan yahay: Fa’iidada naas nuujinta.

Caanaha hooyada waxa ku jira nafaqo dheeli tiran oo ilmuhu u baahan yihiin si jirkoodu u koro. Caanaha hooyadu waxa laga helaa unugyo lidi ku ah noolayaasha ilmaha ku dhaliya cudurada kala duwan oo ay ka mid yihiin, Shubanka, Calool xanuunka (Abdominal Colic), Cudurada ku dhaca Hawo Mareenka (Respiratory Tract Infections), iyo Dhego dilaaca (Otitis Media).

Caanaha hooyada waa diyaar nadiif ah, looma baahna in la diyaariyo ama laga taxadaro nadaafadooda, inkastoo loo baahan yahay in hooyadu ay nadiifiso Naaska Ibtiisa inta aysan nuujin ilmaha markasta iyo kadib marka ay nuujiso. Caanaha hooyadu ma keenaan Xasaasiyad (Allergy), inkastoo mar-mar dhif ah iyo sababo kale ay ilmahu dhibsan karaan caanaha hoyadood. Hooyadu marka ay nuujiso ilmaheeda waxa ku dhasha jaceyl iyo naxariis gaar ah oo isku xira kadibna wanaajiya calaaqaadka dambe ee dhex mara hooyada iyo ubadkeeda, shaki kuma jiro, sida ay tilmaameen takhaatiirta ku xeel dheer aqoonta caruurta, in  naasnuujinta ay yareyso dhibaatada faraha badan ee ay la kulmaan ilmaha aan naaska la nuujin.

Waxa hubaal ah, in caruurta ay tahay waxa ugu qaalisan ee la tabco, gaar ahaan dadka ku nool aduunka sadexaad, caruurta waxa weeye keydka iyo xoolaha ay ku tashadaan ama isku haleeyaan Allah ka dib, marka ay gaboobaan oo ay tabar dhigaan. Sidaa darteed, had iyo jeer waxey ku dadaalaan xanaanada, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo nolosha guud ee dhalaankooda, midaa oo ah si loogu dhiso mustaqbal anfaca iyaga, dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

Waalidku waa iney ku dadaalaan kuna foojignaadaan, wixii khatar gelin kara nolosha caruurta gaar ahaan kuwa ku nool dalalka shisheeye oo ah mid ku cusub dhaqan ahaan, waalidka iyo ilmaha, oo keeni karta in ilmuhu noqdaan kuwo u nugul shilalka caruurta. Waxa marar badan dhacda inuu gaaro dhaawac ilmaha oo jooga guriga ama dugsiga, hase yeeshee sida badan ilmuhu waxey dhaawacmaan marka ay ku cayaaraan meel khatar leh, ama meel uu yaal qalab keeni kara dhaawac, kuwaa oo noqon kara wax ilmuhu laqeen sida Lacagta macdanta ka sameysan, Kuul, ama Guluus oo ku istaaga, ama ilmaha oo meel kasoo dhaca, oo markaa uu gaaro Dakhar, Jug ama Jabniin.