Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Ajaanib Jihaad-doon Ah Oo Ku Qulquleysa Cariga Soomaaliya

Friday - March 27, 2009

London: Warbixin shalay lagu qoray wargeyska "The Times" ee ka soo baxa dalka Ingiriiska looguna magac daray cinwaanka warbixinta " Dagaalyahanno Ajnabi ah oo ku qul qulaya Somalia" ayaa lagu falanqeyey qaabka iyo cadada ajaanibka jihaad-doonka ah ee ku sugan Somalia.

Jariirada ayaa ku bilowday warbixinteeda sidatan: " kadib dheeri gelin ka timid Osama bin Laden iyo bixiddii ciidamada Itoobiya ay ka baxay Somalia ayaa waxaa ku qulqulayey bilhii la soo dhaafay Somalia dagaalyahanno ajnabi ah oo jihaad-doon ah kuwaasoo ku biiray ciidamo dadka degaanka ah iyagoo laga baqayo iney u rogaan Somalia meel hoy u ah ururka Alqaacidda.
Jariirada ayaa tiri.
*Wasiiraka arrimaha gudaha ee Somalia ayaa lagu dhaawacay qarax.
* Bin- Laden oo afgambi ku baaqay
*Islaamiyiinta oo wacad ku maray iney gacanta ku wada dhigaan Somalia oo dhan.

Jariirada ayaa tiri waxaa haatan jooga Somalia illaa iyo 450 Ajaanib ah oo la shaqeeya alshabaab oo illaa 2006 dagaal ka waday Somalia.
Markii hore Somalia waxaa joogay illaa iyo 100 dagaal yahan laakiin sanadka 2009 waxey cadadoodu gaartay 450” sidaassina waxaa yiri Ismaaciil Xaaji Nuur oo ahaan jiray ciidamada Sirta ee Somalia ayey qortay jariiradu.

Ninkan Ismaaciil Nuur ay ku magacowday jariiradu ayaa intaasi ku daray iney raggan jihaad-doonka ah ay ka yimaadaan Mareykanka, Yurub iyo Bariga dhexe waxeyna ka soo galaan wadanka Somaliland waa sida hadalka loo qoraye. Wuxuu sheegay Ismaaciil iney ku badan yihiin raggan jihad-doonka ah Magaalooyinka Garowe, Baydhabo, Marko iyo kismaayo.
Nin diblomaasi ah oo Nairobi jooga ayaa u sheegay jariirada " Khatarta ka soo socota waa mid aanan la dhayalsaneyn waxaana laga baqayaa iney howlahooda ka fuliyaan meelo ama wadamo ka baxsan Somalia"

Jariirada ayaa tiri bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa la dareemayaa in alshabaab ku sii dhowaadeen ururka Alqaacida sida ey sheegeen ciidamada sirta ee reer galbeedka.
Alshabaab oo ay u taliyaan gole (cabinet) ka kooban toban nin oo u badan kuwo ku soo tababartay Afgistaan ayaa waxaa ka mid ah Mukhtaar Roobow oo afhayen u ah ayaa lagu qoray jariirada.
Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay bey tiri jariirada iney golaha ka mid yihiin rag dhowr ah oo ajnabi ah oo ka kala yimid Sacudi Carabiya iyo Suudan iyo Fazul Abdullah oo ku dhashay Camora kaas oo loo heysto qaraxa dadku ku dhinteen ee ka dhacay Nairobi 1998.

"Waxay bartilmaameed-sanayaan Kenya, Djabuuti iyo Ethiopia laakiin dowladaha reer galbeedku waxey ilaalin doonaan wadamadaas iyagoo aan dan ka geleyn Somalia" ayuu u sheegay jariirada Ismaaciil Nuur.
Dhowaan ayey ahayd markii Osaama bin laden uu fariin uu ugu magac daray "Horyaalka Somalia" u diray alshabaab isagoo ku guubaabiyey iney ridaan dowlada Sh. Shariif oo ah hogaamiyaha qonyar socodka ah ee Somalia ayaa lagu yiri qoraalka.
"Qof kasta waa ogyahay iney kamid yihiin Alshabaab dagaal yahanno ajnabi ah waxeyna na gula dagaaleen Bay iyo Bakool" ayuu yiri Col. Adan Abdullahi oo ka mid saraakiisha dowlada ee kula dagaala Alshabaab gobolada koonfureed.
" Wiil yar oo ila hadlay ayaa ii sheegay inuu yahay Marookaan laakiin ninka Amiirka u ah waa nin caddaan ah oo mareykanka ah" sidaasi waxaa yiri nin dukaanle ah oo diiday magaciisa la sheego.
Dadka degaanka ayaa sheegay in rag badan oo caddaan ah ay kamid yihiin alshabaabka kuwaasoo dhowaan soo gaaray Baydhabo oo u jirta magaalada Muqdisho 250 KM taas oo ahaan jirtay fadhigii barlammaanka Somalia ayaa lagu sheegay jariirada.