Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Mareykanka Oo Uga Digay Muwaadinintiisa Gobolo Ka Mid Ah Itoobiya

Sunday - March 29, 2009


Addis-Ababa- Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya ayaa la sheegay in ay Muwaadiniinteeda uga digtay in ay tagaan Magaalooyin ka mid ah Dalka Itoobiya oo Xuduud la leh Somalia, kuwaas oo ay sheegeen in ay jirto cabsi ka dhan ah Muwaadiniinta Maraykanka u dhashay.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Africa oo Warkan baahisay, Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya waxay sidaa ugu sheegtay Muwaadiniinteeda Qoraal ay u gudbisay Muwaadiniinteeda deggan Itoobiya, kaas oo ay ku farayso in aanay u socdaalin Saddex magaalo oo Xuduud la leh ama ka ag-dhaw Xuduudka Itoobiya iyo Somalia.

Magaalooyinka Safaaradda Maraykanku uga digay Muwaadiniintooda deggan Addis-Ababa ayuu Warkani ku sheegay in ay kala yihiin Magaalooyinka, Diridhaba oo 510-km dhinaca bari ka xigta Addis-Ababa, Herer oo iyana 530-km bari ka xigta Addis-Ababa iyo sidoo kale Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamul-gobolleedka Soomaalida Itoobiya oo iyana 630-km bari ka xigta Addis-Ababa. Waxaana Warku sheegay in Digniintan loo jeediyay Muwaadiniinta Maraykanka ee Itoobiya deggan lagu xusay in Magaalooyinkani siday u kala dambeeyaan ay u kala khatar badan yihiin amni ahaan.

“Muwaadiniinta Maraykanka u dhashay ee u socdaala ama degan Deegaannadan waxa lagula talinayaa in ay ka fogaadaan meelaha Dadku isugu yimaaddaan ee ay ka mid yihiin Hutellada la seexdo, isla markaana aanay isticmaalin oo aanay raacin Gaadiidka dadka ka dhaxeeya ee la wada raaco iyo meelaha Istaannada ah.” sidaa waxa lagu yiri Qoraalkan ay qaybisay Safaaraddu oo la sheegay in lagu qaybiyay Aaladda Internet-ka ee E-mail-ka loo yaqaano.

Marka laga yimaaddo Muwaadiniinta deggan Deegaannadan, waxa kale oo Qoraalkan digniin loogu jeediyay Shaqaalaha Caalamiga ah ee Maraykanka in ay u socdaalaan deegaamadan, marka laga reebo arrimo muhiim ah oo lala soconayo dhaqdhaqaaqooda. Iyada oo sidoo kale lagu wargeliyay in ay iska hubiyaan waxyaabaha bushqadaha ah ama xirmooyinka ay kula kulmaan goobaha qaarkood gaar ahaan meelaha laga raaco Gaadiidka dadka ka dhaxeeya.