Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Dawlada Qadar Oo Tabaabusho Ugu Jirta Heshisiin Dhex Marta Madaxweyne Shariif Iyo Sh. Xasan D. Aweys

Monday - March 30, 2009

Doxa: Wararka ka iimaanaya dalka Qadar Ayaa Tilmaamaya in Amiirka dalka Qadar u casuumaad rasmi ah u fidiyay Hogaamiye Mucaaradka Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Qadar, hasa ahaate aan laga warqabin waxa qorshahaas dawlada Qadar ay ka qabto dawlada Eretereya.

Casuumaada Sheekh Xasan Dahir ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu gaaray Magaalada Doxa, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Carbeed ee maanta ka furmaya.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Dowladda Qadar ay dooneyso inay dhex dhexaadiso Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Hogaamiyaha Islaamiga Sheekh Xasan Dahir oo lagu sheego inuu asal u ahaa dismaha Islaamiyiinta Soomaaliya.

Inkastoo Wadaadkan mayalka adag aanu shaacin inuu aqbalay casuumadaas iyo in kale, ayaa hadana waxaa jira wada hadalo hoose oo ay la leeyihiin Hogaamiyeyaal carbeed sida Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dhowaan booqday Magaalada Asmara, isla markaana la sheegay inay is arkeen Sheekh Xasan Dahir, walow warkaas aan si fiican loo xaqiijin.