Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Qdaafi " Waxaan Ahay Hogaamiye Caalamiya, Boqorka Boqorada Afrika Iyo Muslimiinta Imaamkooda Iyo....

Monday - March 30, 2009

Doha:- Madaxweynaha dalka Liibiya Moammar Gadhafi ayaa jawi xasaasiya ku furey furitaankii shirka ururka Carabta ee Qatar, kaasoo mikorofoonkii ku dhegey islamarkaana ku dhega-hadley Boqorka Sucuudi Areebiya ee Boqor Abdalla... Wuxuuna ku dhaliiley boqorka inuu wax soo saaray oo keenay u yahay Ingiriiska iyo sidoo kale in gaashaanbureysi adag la leeyahay Mareykanka.

Hadaba markii Amiirka Qatar uu isku dayey inuu aamusiiyo, ayaa gudoomiyaha midowga Afrika Qadaafi iska dhega tirey hadalkii Amiirka, islamarkaana hadalkiisii sii watey oo yiri " Waxaan ahay hogaamiye caalamiya, hormuudka hogaamiyayaasha carabta, boqorka boqorada Afrika iyo muslimiinta imaamkooda, iyo heerkayga caalaminimo ima ogolaanin inaan heer hoose is-dhigo" taaso u ula jeeday heerka boqorka Cabdalla. 

Gadhafi oo dabeecad aan la-saadaalin Karin lagu yaqaan, ayaa kacay oo dabadeed ka baxay shirkii.