Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Waa Fadilat AL-Digtoor Sh. Shuceyb Yusuf Iyo Baraarujintiisi Jimcaha Casharka Ah" Waxyeelada Qaadka"

Thursday - May 14, 2009

Asalamu Aleykum, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah weyne, iyo saliga Suubanaha N.N.K. ha ahaato. Baraarujinta Jimcahan wuxuu ku saabsan Yahay: Waxyeelada Qaadka: Qaadka waa geed ka baxa qaardaha Afrika iyo Asiya, waa geed leh taariikh dheer, waxa lagu magcaabaa  magacyo kala duwan oo ay ka midyihiin:  Jaad, Qaad, Khat, Kad, Qu’at, Ghat, Gat, Miraa, Harari, Abyssinian tea, Somali tea, Arabian Tea, African Tea, Bush man’s tea, African salad, Khamru al salihiin (Yaman), Khamrada cagaaran (Somaliya). Kitaab aad u wanaagsan oo ka hadlaya qaadka waxa qoray Cabdinaasir Jaamac Warsame, aqoon yahan somaliyeed, dhowr  iyo toban sano ka hor isaga oo aad ugu kala dhigay wax kasta oo ku saabsan Qaadka iyo waxyeelada uu geysto. Qofkii doonaya inuu wax ka ogaado waxa aan kula talinayaa inuu akhriyo Kitaabkaa oo uu ku magcaabay QAADKA iyo dhibaatooyinkiisa. Aniga waxa aan maqaalkan ku kormeerayaa wax yar oo ka mid ah Qaadka iyo waxa uu geysto.

Ibn Buduuda, oo noolaa qarnigii afar iyo tobnaad, wuxuu tilmaamay  inuu ku arkay koonfurta dalalka carabta iyo Muqdisho (Soomaaliya), in dadka ku nool dalalkaa ay cunaan geed aad u kiciya awooda habdhiska dareenwadka dhexe (Central Nervous), waxa lagu arkaa qofka cuna farxad bilowga. Ibn Buduuda, wuxuu u maleeyay geed kale oo loo yaqaan “ At- tanabuul”, lakiin tilmaantaas waa kuwa lagu yaqaan qaadka.

Amiin Fadlallah Al Cumari (1301 – 1348), isna waxa uu ka qoray qaadka, gaar ahaan kitaabkiisa “Masaalikul Absaar”.

Lama yaqaan si dhab ah, sida ay sheegeen culimada dhirta dalkii ugu horeeyay ee ku baahiyay dalalka hada uu ka baxo qaadka oo fidiyay musiibada qaadka ka timaada. Aqoonyahanada qaarkood waxa ay arintaa dusha ka saaraan dalka Itoobiya oo si gaar ah u gaarsiiyay dalka Yaman oo todobaatan sano ay gumeysan jirtay. Magaca cilmiga ah ee qaadka “Catha edulis” iyo “Catha spinosa” waxa siiyay nin u dhashay dalka Sweden oo la oran jiray “Forshal” oo raacsan  qoyska Celestraceae (Dicotyledon), kana badan (40) jinsi oo u kala baxa (400) nooc. Kuwaa badankood  oo geedaha kor ugu baxa geedaha kale oo laasha. Qaar ka mid ahna ay sun yihiin, qaarna waxa lagala soo baxa dawo (Kofur Afrika).

Dalalka qaadku ka baxo: Waxa ka mid ah: Itobiya, Kenya, Yaman, Konfurta Sacuudi Caraabiya, Konfurta Afrika, Koongo, Uganda, Eritreya. Waxa uu aad uga baxa dhulka buuraleyda ah, gaar ahaan kuwa u dhow meshii uu asalkiisa ahaa. Mararka qaarkood buraha uu ka baxo waxa dhererkooda uu gaaraa 1200 – 2400 oo mitir.

Astaamaha Geedka Qaadka: Qaadka waxa uu leeyahay qaab badan (Variaties), dhererkiisa waxa uu gaaraa 100 cm. / 180 cm. / 600 cm, ama in ka badan.  Dhererka geedku waxa uu ku xiran yahay goobta uu ka baxo, cimilada iyo ciida. Geedka qaadka waxa uu u egyahay geedka shaaha, waxa uu ka mid yahay geedaha aan ka hooban caleenta mudo dheer, laamihiisa waxa ay u egyihiin maariin guduud xigeen ah, marka uu kobco waxey  isubedelaan cagaar huruud xigeen ah. Ballaca caleenta waxa ay gaarta 4 ilaa 5.5 cm., dhererka waxa ay gaarta 8 ilaa 10 cm. Qaaka wuxuu ka koobmaa canaasir kala duwan, waxa ugu muhiimsan  Cathine iyo Cathinone -active component in Khat- Cathinone, waa maado aad iyo aad halis u ah, qofka da’ima cunista qaadka waxa uu halis u yahay dhib soo gaara naftiisa, caruurtiisa, xaaskiisa iyo bulshada oo si sahlan aan looga hortegi Karin. Cathinone, waxa ay aad wax u yeeshaa Habdhiska Dareenwadka Dhexe (CNS Central Nervous System), iyo xubno kale oo ka tirsan jirka.

Ururka caafimaadka aduunka WHO, oo ka tirsan Qarama Midoobay (UN), waxa ay ku meeleysay qaadka booska lixaad maan dooriyeyaasha kala duwan oo kala ah:

1. Morphine type. 2. Barbiturate Type. 3. Cocaine type. 4. Canabis type (Marinjuana in USA or Hashish). 5. Amphetamine type. 6. KHAT type. 7. Hallocinogen type (Qat in Yemen 1985 Shelagh Weir).

 Soomaalida iyo Qaadka: Dhibaato ama fidno qaadka uga weyn casrigan sooma gaarin umada soomaalida, marka laga reebo burburka iyo dagaalada sokooye.  Dhibaatada qaadka, waxey saameysay dhinac walba ee nolosha, ha noqoto caafimaadka, bulshada, aqoonta, diinta , dhaqaalaha, siyaasada.  Midaa waxa ay ku timid aqoon la’aan iyo dhiiri gelin dalalka shisheeye ee sida tooska ah uga fa’iida qaadka ay ka gadaan soomaalida. Qaadku wuxuu burburiyaa asaaska qoyska, dhanka dhaqaalaha iyo nolosha, wixii isticmarku ku qaban waayay ciidan hubeysan buu ku gaaray qaadka.