Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Xasan D. Aweys Oo Si Gaar Ah Ugu Hanjabay Madaxa Al-Shabaab Iyo Dagaalkii Oo Wajiyo Dhawr Ah Yeeshay

Friday - May 15, 2009

Xassan Dahir Aweys Oo Si Gaar Ah Ugu Hanjabay Ahmed Godane Oo Ah Madaxa Al-shabaab Iyo Dagaalkii Muqdisho Oo Wajiyo Dhawr Ah Yeeshay.... By Osmaan Cabdulaahi Sool... Freelance Journalist.  
 
Muqdisho-Dagaalka Muqdisho ka socda ayaa ah mid lagu halaagmaayo oo wajiyo badan yeeshay kooxaha Dirirtu ka dhex-oogantay oo kala ah Dawlada Shariif-ka oo dhinac ah iyo kuwa Sheeganaaya Xisbul-islaam iyo Al-shabaab oo dhinca kale ah,kooxahan dagaalamayaa waxa ay isku hayaan oo ku dirirayaan waa Xukun iyo Madaxnimo-doon, isla-markaana waxa si qaldan oo jaahwareer ku riday ummadii Somaaliyeed u adeegsanayaan Diinta Islaamka ee nabadgelyada jecel. nin-ba nin-ka uu doonaayo in uu dilo ayuu gaalaysiinayaa ama gaal ku sheegayaa. koox waliba kooxda ka soo horjeeda ayey dhiigeeda banaysanaysaa iyaga oo ka been-sheegaaya Caqiidada saxda ah ee Islaamka. markii dagaalku laba cisho oo kaliya socday ayaa laga xuubsiibtay ka-been-sheegashadii Jihaadka,Islaamnimada,Wadaadnimada iyo Maxkamadaha.Waxaan loo guuray Degelkii QABYAALADA oo ahaa kii markii hore-ba laga soo Ruqa-qaaday Colaada Somalia ka holcaysa, waxa bilaabmay hal-ku-dhiga ah (yaa maali jiray) waxa lala kala saftay Aradaayada ama Jifooyinka ay ka soo kala jeedaan Wadaadka Dad-dilka ah Daahir Hassan Aweys iyo Shariif Sheikh Ahmed, waxa noqday tusbax afkii ka furmay oo ku biiray dhinca Daahir Aweys kuwii ku abtirsanaayey Habar-gidir ee Shariifka la socday. waxa iyana afka furtay xayntii ku xeerayd Sheikh Shariif iyaga oo leh...Habartay Goblantay yaa Abgaala..      

Waxa isna bilaabmay oo noqondoona wajiga seddexaad ee dagaalka oo salka ku haya Damaca iyo Khilaafka dhex-yaala Dad-dilka Daahir Aweys iyo Argagixisada Al-shabaa, Sida wararku sheegayaan....kooxda Al-Shabaab ayaa culays xoog leh saaray Xassan Daahir kuna xidhay laba shardi oo aad ugu adkaatay in uu fuliyo Odaygu, waxa iyana soo baxaya warar sheegaya in Mr.Daahir Aweys uu culays rogaal celin ah dul-dhigay kooxda Al-Shabaab ka dib markii uu ku goodiyey in uu dagaalka joojin-doono wada hadalna la gali-doonka Shariifka, waa hadii ay ka-waantoobi waayaan culaysyada ay ku hayaan.

Kulankii dhex maray Horjoogayaasha Al-Shabaab iyo Xassan Daahir ayey Shabaab-ku ku Cadeeyeen in aanay dhici karin in Moqdisho laba magac lagaga wada dagaal galo, sidaas darteedna uu joojiyo Odaygu isticmaalka magaca Xisbul Islaam uuna ku soo biiro Al-Shabaab. Waxay xasuusiyeen in sanadkii 2006 ay ku qaldameen markii ay la midoobeen Midowgii Maxkamadaha,iminkana aanay ogolaan-doonin magac kale oo laga isticmaalo Muqdisho. Qodobka labaad ee lagu xujeeyey Xasan daahir Aweys ayaa ahaa in si siman loo qaybsado hubkii Yusuf Indhacade, laakin Oday Aweys ayaa dhagaha-ka-furaystay kana biyo-diiday Codsigii Shabaab-ka kadib markii ay ku qancin waayeen jagada uu helayo haddii uu ku soo biiro Al-Shabaab.

Dad-dil Xasan Daahir oo qudhiisu ka digtoon in uu mar kale ku daba-faylo hogaan aanu isagu gadhwadeen ka ahayn si uu iskaga ilaaliyo wixi ku dhacay ururkii Dib-u-Xoraynta ee Asmara. Daahir AweyS oo doonaaya in qaboojiyo xiisada ka dhex-ogaan isaga iyo Shabaabka ayaa codsaday in uu Oday Guud u noqdo Shabaab-ka taas oo uu si cad u diiday Madaxda Al-Shabaab Axmed Aw-Cabdi Godane oo ku been-aabuurta Magaca ah Sheikh Mukhtaar Abuu Zubeyr. Xassan Daahir oo ka xanaaqay diidmada ka kaga timi Ina-godane ayaa si cadho leh u yidhi gacan bir ah ayaan ku qabanayaa wiilkaa Reer Waqooyi ee Sheeganaaya Abuu-zubeyr. Sheikh Aweys oo aan u meel-dayin xanaaqiisa ayaa ka shifay Shir ay Hargeysa kuwada galeen 30 nin oo ay ka mid ahaayeen Ina-godane iyo Ibrahim Afqaan sanadkii 1997-kii, Sheikh Daahir oo sii watay hadalkiisa ayaa yidhi isla Shirkaas waxa aanu ku go'aaminay in Wiilkaas Godane uu ka dagaalamo Waqqoyiga oo laayo Gaalda iyo Masuuliyiinta la shaqaysa Ha'ayadaha Reer Galbeedka. Suurtagal maaha mana dhacayso in uu Aniga igula gorgortamo Muqdisho iyo Hareeraheeda ama Jubooyinka.